Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Shirkii Somaliland Iyo Somalia Uga Qorshaysnaa Turkiga, Heerka Dedaallo ay Wadaan Diblomaasiyiinta Turkigu Iyo Natiijada Maanta La Filanayo
Ankara:March,02,2015(SDN/QJ)-Wada-hadalladii ayaa qabsoomi waayey kadib markii ay Ergadii Somaliland diideen inay horfadhiistaan qaarkamid ah Xubnaha Waftiga somaliland oo kasoo jeeda Deegaanadeeda.
Shirka oo lagu waday inuu Maalinti shalay ahayd Furmo ayaan wali wax tallaabo ah qaadin, waxana Waftiga Somaliland qaddimeen Saluugooda la xidhiidha Xubnaha ay diidan yihiin inay horfadhiistaan.
Xubnaha Somaliland diiddan tahay waa Waa afar Xubnood oo Kala ah Wasiirka Warfaafinta, mudane maareeye, Gaadiidka iyo dulista, Siciid Jaamac Qoorsheel oo hore xilal uga soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somalia, Jaangeli, Xildhibaan Cilmi oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo kasoo jeeda Deegaanada Somaliland.
Xubnaha Somaliland shirkaas udirtay, ayaa la Kulmay Safiirka dalka turkiga u fadhiya Somalia waxana ay sheegeen inay xubnaha ay diidan yihiin.waxana rajo laga qabaa in Maanta labada dhinac uu midkood tanaasulo.
Ilaa imika lama oga xilliga rasmiga ah ee uu furmi doono shirkaasi, waana suurtgal in haddii dedaaladu midho dhali waayaan in shirka dib loo dhigo.
Degaallo badan ayaa waxa wada Diblomaasiyiinta Dalka Turkiga, waxana ay ku rajoweyn yihiin in Maanta la gaadhi doono isu tanaasul dheeri ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com