Wararkii Ugu Dambeeyey ee Shirka Labada dhinac ee SOmalida ah uga Socda Magaalada Addis-Ababa iyo Caqabado soo Kordhay
Addis Ababa:27-Aug-2013-(SDN) -Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya shirka Magaalada Adis Sabab uga socda labada dhinac ee Jubaland iyo Dawladda Federalka ah, ayaa sheegaya inay labada dhinac u muuqdaan kuwa sii kala fogaanaya.
Wararka ayaa intaa ku daray in lagu waday in shirku dhamaado Habeenimadii ay salaasadu soo gelaysay, balse uu shirku isu bedelay mid lagu sii kala fogaanayo, iyadoo la qabo warwar ah inuu burburo.
Labada dhinacba waxa la sheegayaa inuu ku dheggan yahay qodobo uu muhiim u arko,iyadoo la sheegayo inaanu meesha oollin wax tanaasulaad ahi.
Ilo xog-gaal oo ah oo ku dhaw shirka ayaa sheegay in xubnaha ka socda IGAD, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo diplomaasiyiinta kale ee shirka ku sugan aanay shalay subaxnimadii u iman labada dhinac, waxaana ay aadeen shirka kale oo looga hadlaayay arrimaha ammaanka gobalka.
Shalay oo dhan iyo wax kulan ah oo dhacay ma jirin, waxaana xalay la sheegay in labada dhinac ay ku jiraan kulamo gaar-gaar ah, waxaana arrimahan dabada ka riixaya dowladdaha Ethiopia iyo Kenya.
Wararkii ugu dambeeyay waxa ay lee yihiin qoddobo kal hore heshiis laga gaadhay, ayaa hadda lagu kala booday, waxaana ka mid ah sida loo maalulayo dhaqaalaha dekedda iyo garoonka Kismaayo, Qodobkan ayaa ah kan ugu weyn ee hadda heshiiska uu u xayiran yahay.
Sida ballanta ahayd waxaa maamulka dekedda iyo garoonka lagu wareejiyay dowladda fedaraalka Soomaaliya, balse waxaa muuqda in maamulka Axmed Madoobe uu weli ka meer meerayo.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com