Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Musharixiinta Madaxtinimada Puntland Oo Kala Hororsi Ugu Jira Helitaanka Xildhibaanada Cusub Oo Magaalada Laga Dareemayo
Garowe:05-Jan-2014(SDN)-Iyadoo Doorashadii Hoggaanka sare ee Baarlamaanka Puntland Shalay Galabtii uun la soo Gebogebeeyey, ayaa waxa illaa xalay socday Kulamo kala duwan oo lagu qaabilayey Xubnaha Baarlamaanka Cusub.
Musharaxiinta Madaxweynenimo ee Puntland ayaa Habeenkii xalay si weyn iskugu dayey inay Helaan Xildhibaanada Cusub iyo Hogaankoodadab, waxana la sheegayaa in xildhibaanada oo aad u daallanaa awgeed aanay suurtogelin in kulamo badani dhacaan.
Musharixiinta ayaan iyagu xalay seexanin, waxana muddada oo gaaba darteed ay aad iskugu taxalujinayaan inay gacanta ku sii dhigaan Xildhibaanada, maadaama cidda wax dooranaysaa ay iyaga tahay, waxana wali mashquul ka taagan yahay sidii loo heli lahaa xildhibaanadan cusub iyo Hoggaankoodaba.
Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Musharixiintu ay si weyn uga shaki qabaan in Barlamaanku si muq leh ugu codeeyo madaxweyne Faroole, maaddaama Muddaas kooban aanay iyaga u suurtogelaynin inay si hufan u helaan Xildhibaanada oo barnaamijkooda ka dhaadhiciyaan, iyagoo aaminsa in Farole si fudud ku heli karo xildhibaanada.
Saaka magaalada Garowe waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo xooggan oo musharixiintu ku Beegsanayso Xildhibaanada, waxana kaliya ay haystaan muddo Hal Maalin aan ka badnayn oo ay si gaar ah ah ula sii kulmaan Cidda ay taageerada ka rabaan, maadaama Maalinta Bishu Toddobada ay tahay la doonayo in la sii bilaabo Khudbadaha si wakhtiga looga faa’iideeyo.
Wali lama garan karo cidda ku soo bixi doonta Doorashada Madaxtinimo ee Puntland, waxase jira Rag dhawr ah oo ugu fadalo cad cidda haatan badka is keentay, iyadoo Madaxweyne Faroolena ay ka Go’an tahay sidii uu Kursiga mal badaad ugu soo Noqon lahaa.
Shacabka Reer Puntland, ayaa iyagu il gaar ah ku eegaya Doorashadan, waxana ay filayaan inay sidii tii Barlamaanka oo kale hannaan Nabad ah ku soo dhammaato oo aanay dalka qalalaase ka ridin.
S.D.N