Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Deegaanada Colaaddu Ka Taagan tahay ee Doclaha Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Waran-cadde Oo Xalay Gaadhay Degmada Oog
Oog:13-Jan2014(SDN)-Wafti Ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, isla-markaana Ujeeddadoodu tahay sidii loo damin lahaa dhibaato dil gaadhay oo halkaasi ka dhacday ayaa la sheegay inay Habeenkii xalay gaadheen Degmada Oog.
Waftiga oo Magaalada Hargeysa ka Baxay Shalay Duhurkii ayaa la filayaa inay wax ka qabtaan oo damiyaan colaadda labada beelood ee Walaalaha ah ka dhex aloosan oo haatan tiro dad ah oo xidhiidh ahi ku dhinteen, waxana xaaladda haatan ee Deegaanadii la isku dilay la sheegayaa inay Deggen yihiin.
Wararka saaka ay Shabakada Qurbejoog.com ka helayso Degaanka Doclaha oo ah Halkii dilalku ka dhaceen ayaa sheegaya in Ciidanka qaranku aagaas si weyn iskugu ballaadhiyeen, islamarkaana ay kala dhex galeen Maleeshiyooyinkii dagaalku dhex maray oo si weyn haatan isku Beegsanaya.
Sidoo kale wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqan ee Deegaanada Colaaddu ka dhacday iyo kuwa ku dhaw dhawiba si weynugu guntadeen daminta colaaddan soo cusboonaatay, waxana ilaa iyo xalay deegaanadaas ka socday dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Madaxda dhaqanku oo hoos loogu dhigayo xaraaradda colaadda oo haatan kacsan.
Waftigan uu hogaaminayo wasiir warancadde ayaa iyagan maanta laga filayaa inay kulamo la yeeshaan Odayaasha iyo waxgaradka ka tirsan labada dhinac si meesha looga saaro colaadd, isla-markaana loo abuuro jawi nabadeed oo lagu wada hadlo karo.
Sidoo kale waxa laga filayaa waftigan inay Dadka deegaanka la hadlaaan oo ku wacyigeliyaan dhibaatada colaadda, isla-markaana ciidanka Qaranka iyo kuwa Booliskaba ku amraaan inay Nabadda gacantooda ku qabtaan oo aanay aqbalin in qof qori sitaa uu goobaha soo galo.
Colaaddan oo haatan dhimasho badan keentay, ayaa la sheegayaa inay salka ku hayso aanooyin qabiil oo hore, iyadoo haatan labada dhinacba uu ku yimi dilal iyo dhimasho aanay markii hore qorshaha ku darsani.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com