|

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaallo Faraha La Iskula Tegay Oo Degmada Jannaale Ku Dhexmaray AMISOM Iyo Al-shabaab

Jannaale:06-Jan-2014(SDN)-Xaaladda Deegaanka Jannaale ayaa la sheegayaa inay Saaka Deggen tahay kadib markii ay Halkaas isku faro saareen Kooxda Al shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom oo halkaas fadhiisimo ku lihi.

dsdAlshabaab ayaa  shalay casarkii weeraray fadhiisimo ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin Jannaale gaar ahaan barta kontaroolka ah oo ciidamo badan ay ku sugan yihiin.

 

Guddoomiyaha deegaankaasi Jannaale oo  la hadlay warbaahinta, guddoomiye Maxamed Idiris Keerow ayaa sheegay in kadib madaafiicda Alshabaab ay ku soo weerareen ciidanka AMISOM ay ugu jawaabeen tiro madaafiic ah.

 

Xaaladda ayaa  Saaka deggan waxaana jirta baqdin xooggan oo laga yaabo inuu dagaal kale deegaanka ay ku soo qaadaan ciidanka Xarakada Alshabaab.

 

Ciidanka Amisom ee Halkaas ku sugan ayaa ku jira Diyaargarowgiisii ugu dambeeyey, waxana la sheegayaa inay diyaar u yihiin inay u jilib dhigaan weerar kasta oo kaga yimaadda dhinaca kooxda Alshabaab oo iyadu caan ku ah weerarrada gaadmada ah ee xilliyada Habeenkii dhaca.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed