Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Luuq October 20, 2024(QJ)-Waxaa soo baxaya faah faahin ku saabsan dagaal beeleed ka dhacay gobolka Gedo, kaasi oo sababay khasaare lixaad leh. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay degmada Luuq kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan. Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan toban qof oo labada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 19, 2024(QJ)-Markab ay leedahay dowladda Turkiga oo sida gargaar bani’aadanimo oo aad u badan ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaallada uu Turkigu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed. Markabkan oo si gaar ah loogu soo diray Soomaaliya ayaa sida raashin, dawooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, si […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kampala October 19, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Uganda, isagoo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni. Labada Madaxweyne ayaa intii ay ku guda jireen wada hadalkooda diiradda ku saaray horumarinta xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda, wax ka qabashada arrimaha Geeska […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa October 19, 2024(QJ) -Ololaha doorashada ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan Somaliland, waxaana uu socon doonaa muddo 22 maalmood ah, iyadoo la soo gebagebeyn doono 10-ka bisha November. Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ayaa maanta bilaabay ololihiisa, iyadoo taageerayaashiisa ay isugu soo baxeen fagaarayaal loo asteeyay inay ku kulmaan guud ahaan Somaliland. Xisbi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Maryland October 18, 2024(QJ) -Nin degan Maryland ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu taageero agab ah u fidiyo kooxda Daacish ee Soomaaliya, sida uu Arbacadii shaaciyay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee Maryland. Michael Sam Teekaye Jr., oo 21 jir ah, kana soo jeeda Hanover, Maryland, ayaa 14-kii Oktoobar lagu xiray garoonka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 18, 2024(QJ) -Jimcihii, Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay weerar xooggan oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, oo ay ku hawl galaan xulafada Dowladda Federalka Somaliya ka taageera hawlgalada dhinaca cirka ah. Goobaha ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa hadda ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Qahira October 18, 2024(QJ)-Kulan muhiim ah oo magaalada Qaahira ku dhex maray Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, horumarka, iyo nabadda Soomaaliya. Madaxdu waxay ka wada hadleen taageeridda dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyagoo qiray in dalka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa October 17, 2024(QJ) -Guddida Anshaxa ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray awaamiir ku wajahan Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada, waxaanay ku soo rogeen Ganaax lacageed labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. Guddidu waxa kale oo ay ku dhawaaqday in la mamnuucay ololaha iyo isu imaatinnada xisbiyada siyaasadda iyo ururada siyaasadda ilaa inta ay ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 17, 2024(QJ) -Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta booqasho ku tagay deegaanka Geerille oo hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Shalay ayaa ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab waxa uu dhexmaray dagaal xooggan. Dagaalka ka dhacay deegaanka Geerille ayaa lagu soo waramayaa in Al-Shabaab uu dhabar jab xoogan ku noqday, iyadoo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa October 17, 2024(QJ) -Heerarka kulaylka sii kordhaya ayaa laga digayaa in uu kuleyl daran ka keeno dalal badan oo Geeska Afrika ku yaalla, sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Cimilada (ICPAC) ee urur goboleedka IGAD. Warbixinteedii ugu dambeysay ee saadaasha cimilada, ICPAC waxay tilmaantay in ugu yaraan lix waddan ay wajihi doonaan kulayl aad […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »