Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Garoowe October 27, 2024(QJ) -Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhaliilay Khariidaddii dhawaan ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu huriyo colaado hor leh, gaar ahaan gobolka Mudug. Waxa uu ka digay in falkaasi uu kicin karo xiisad, inkastoo Puntland iyo Galmudug ay yihiin maamulo deris ah oo wada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 27, 2024(QJ) -Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Jamhuuriya, oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare xooggan. Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday qeyb ka tirsan Maqaayada oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad shacab ah. Sida ay sheegeen dad […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 27, 2024(QJ) -Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa xalay Ciidamada Xasilinta Caasimadda kala qeyb galay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ahaan magaalada Muqdisho. Kormeerka Wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaayay Saraakiil sar sare oo ay ka mid yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Qaranka iyo Saraakiil kale oo ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Bosaaso October 21, 2024(QJ) -Xalay fiidkii ayay ahayd markii iska hor imaad uu mar kale ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah. Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan kuwa PSF-ta iyo kuwa badda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jabuuti October 21, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti Cabduqaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Madaxweynaha ayaa maanta la kulmi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa October 20, 2024(QJ)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ku biiray xisbiga Waddani ee Somaliland, ee uu musharaxa madaxweyne ka yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Warkan laga sheegay magaalada Hargeysa ayaa muujinaya in Beyle oo ka soo jeeda gobolka Awdal uu ku biiray mas’uuliyiin ka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Bossaso October 20, 2024(QJ)-Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ayaa ka warbixiyey howlgal ay ku qabteen sarkaal Ajnabi ah oo xiriir la leh maleeshiyada Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Muuqaal kooban oo ay soo bandhigtay ciidamada PSF-ta, ayaa Cabdalla Mustafa Abuu-deyr, oo magaciisa lagu sheegay Saalim, wuxuu ku xaqiijiyay inuu ka tirsan yahay Daacish. Abuu-deyr […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Luuq October 20, 2024(QJ)-Waxaa soo baxaya faah faahin ku saabsan dagaal beeleed ka dhacay gobolka Gedo, kaasi oo sababay khasaare lixaad leh. Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay degmada Luuq kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan. Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan toban qof oo labada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 19, 2024(QJ)-Markab ay leedahay dowladda Turkiga oo sida gargaar bani’aadanimo oo aad u badan ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaallada uu Turkigu ku taageerayo shacabka Soomaaliyeed. Markabkan oo si gaar ah loogu soo diray Soomaaliya ayaa sida raashin, dawooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, si […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kampala October 19, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay dalka Uganda, isagoo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni. Labada Madaxweyne ayaa intii ay ku guda jireen wada hadalkooda diiradda ku saaray horumarinta xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda, wax ka qabashada arrimaha Geeska […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »