Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Muqdisho October 31, 2024(QJ)-Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa deegaanka ayaa saakay bilaabay howlgallo xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug iyo deegaanada ku dhow dhow. Sida ay sheegayaan wararka ciidamada wadajirka ah ayaa dhowr jiho ka weeraray fariisimo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 31, 2024(QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa ee maanta waxa ay ku ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Shiinaha kaas oo ku saabsanaa hirgelinta hindise-sharciyeedka horumarinta adduunka, iyo is-afgarad ku saabsan iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare H.E. Xamza Cabdi […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 30, 2024(QJ)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho 2-dii ilaa 30-kii October 2024-ka, waxaana ka soo qeyb galay madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira, Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana uu ku soo gabagabeeyay war-murtiyeed. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
NY October 30, 2024(QJ)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar lagu bedelayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) laguna bedelayo hawl-gal ku meel gaar ah oo loogu magacdaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS). Habka kala guurka waxa uu bilaabmi doona Noofambar 1, 2024 […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa October 29, 2024(QJ)-Hay’adda Sirdoonka Somaliland, ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad ka tirsan Hay’adda Sirdoonka oo ka qayb-qaatay ololihii Xisbiga Kulmiye, isla markaana lagu helay hub fiidnimadii Salaasadii. War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda sirdoonka qaranka ee NIA ayaa lagu sheegay in afar xubnood oo kooxdan ka tirsan ay hay’adda nabadsugidda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 29, 2024(QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Jarmalka u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Heiko Nitzschke. Wasiirka iyo Ergeyga ayaa intii uu kulankooda socday diiradda ku saaray howlgallada lagu cirib tirayo kooxaha xagjirka ah, ka gudbidda howlgalka Midowga Afrika ee […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 29, 2024(QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta furay Xarun lagu daweynayo dhaawacyada oo lagu kordhiyay Isbitaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Madiina. Wuxuu xusay in maamulkiisa uu hirgeliyay xarumo dhowr ah oo ay ka mid yihiin keydka dhiigga oo dib u habeyn lagu sameeyay oo markii ugu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Garoowe October 28, 2024(QJ)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta madaxtooyada Garoowe kulan xasaasi ah kula qaatay wakiillada Puntland u metelaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, C/Risaaq Axmed Siciid. Waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, iyadoo si gaar ah […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismaayo October 28,2024(QJ) -Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan weerar qorsheysan oo Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Sariiraha oo u dhow Jannaay Cabdalle, kana baxsan magaalada Kismaayo. Weerarka ayaa ku billowday qarax kaddib rasaas xooggan oo lala beegsaday bar […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 28, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta la kulmay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Turkiga oo uu hoggaaminayay ku xigeenka agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga Sarreeye Gaas Soner Oruçoğlu. Wafdiga ka socda Turkiga oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ku takhasusay horumarinta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »