Home » Wararkii ugu Dambeeyay You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”

Turkiga iyo Masar oo ku heshiiyay caawinta Soomaaliya

Qahira November 14, 2024(QJ)-Turkiga iyo Masar ayaa yeeshay wadahadal ah oo diiradda lagu saarayay Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Wada-hadallada oo ay garwadeen ka ahaayeen mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dal ayaa waxaa ka soo baxay heshiisyo ku saabsan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, si loo fududeeyo dib u soo celinta […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

UNta oo sheegtay in Qasa xasuuq ka socdo

NY November 14, 2024(QJ) -Dagaalka Israa’iil ee Gaza ayaa muujinaya astaamaha xasuuqa, guddi Qaramada Midoobay ah ayaa sidaa sheegay maanta, iyagoo ku eedeeyay Israaiil inay gaajo u adeegsadeen sida hub dagaal. Warbixin la daabacay Maanta ayay Guddiga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u saartay habdhaqanka Dhaqanka Israa’iil ayaa ku eedeeyay Israa’iil “inay gaajo u adeegsato […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Saaka oo Somaliland looga dreerayo Doorashooyinka

Hargeysa November 12, 2024(QJ)-Maanta  ayaa guud ahaan Somaliland waxa loo dareerayaa doorashooyinka la isku geeyey ee madaxtooyada iyo xisbiyada siyaasadda. Doorashooyinkan ayaa muddo laba sano ah dib u dhac ku yimid, kadib markii la isku qabsaday shuruucda doorashada, iyadoo xukuumaddu doonaysay inay marka hore qabato doorashada xisbiyada siyaasadda si ay murashaxiinta xisbiyadu ugu soo baxaan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xildhinaanada labada aqal ee Puntland oo taageeray Doorashooyinka Jubaland

Muqdisho November 12, 2024(QJ)- War saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Puntland ayaa si weyn loogu taageeray doorashada la qorsheynayo in ay ka dhacdo maamulka Jubaland. Xildhibaanadan oo gaaraya 26 ayaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay muddo kororsi ay dowladda Federaalka Soomaaliya u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

SSC-Khaatumo oo ka hadashay waxka bedelka Dastuurka

Laascaanood November 11, 2024(QJ)-Golaha Wakiilada SSC-Khaatumo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in wax ka bedelada Dastuurka in ay noqdaan kuwo loo wada dhan yahay oo ay ka qeybgalaan dhammaan Dowladaha xubnaha ka ah federaalka. War saxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Puntland, Jubbaland iyo gobolada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baarlamaanka oo u gogol xaaray qabashada doorasho Qof iyo Cod ah

Muqdisho November 11, 2024(QJ)-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan wada jir ah, waxaana ay qaadeen tallaabo diyaargarow ah oo ku aadan sidii doorasho hal qof iyo hal cod ah ay u dhici lahayd. Xildhibaanada ayaa ansixiyay habraaca kulammada wadajirka ah ee looga baahan yahay inay ansixiyaan saddex hindise sharciyeed oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sucuudiga oo ku baaqay in Falastiin la aqoonsado

Riyadh November 11, 2024(QJ) -Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku booriyay Israa’iil inay joojiso gardarada ay ku hayso Gaza iyo Lubnaan, intii uu socday shir madaxeedkii madaxda Carabta iyo Muslimiinta ee ka dhacay Riyadh, isagoo cambaareeyay rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta iyo Lubnaan. Wuxuu ugu baaqay caalamka in la aqoonsado dowladnimada Falastiin. OIC […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo taageeray Musharax Ciro

Hargeysa November 10, 2024(QJ)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa shacabka ugu baaqay inay u codeeyaan xisbiga Waddani iyo ururada kale ee isbedel doonka ah. Saylici oo muddo ka badan 14 sano ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen musharax Cirro ku taageeray isbedel doonka. Waxa uu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Midawga Africa oo Itoobiya ka reebay ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya

Addis Ababa November 10, 2024(QJ) -Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ay ka imaanayaan oo kaliya wadamada ixtiraamaya madax banaanida Soomaaliya. Guddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo howlgallada maalinlaha ah ee Midowga Afrika, ayaa la tashiyo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qatar oo hakisay doorkii dhexdhexaadinta Colaada Gaza

Doha November 10, 2024(QJ) Qatar ayaa ku dhawaaqday inay joojisay doorkii dhexdhexaadineed ee ay ku lahayd xabad joojinta Gaza ee u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo sabab uga dhigaysa in aanay diyaar u ahayn dhinacyadu inay heshiis gaadhaan. Qatar ayaa sidoo kale go’aansatay inay xirto xafiiska siyaasadda Xamaas ee caasimadeeda, kadib codsi uga yimid Mareykanka, […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »