Home » Wararkii ugu Dambeeyay You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”

Soomaaliya oo u dabaaldegtay xuska sannad-guurada 64-aad ee xoriyada

Muqdisho July 01, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay xornimada iyo mideynta dalka, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay xoojiyaan isku xirnaantooda, isla markaana ay ilaashadaan dhaxalkii ay ka tageen awoowyaashood. Madaxweynaha oo ah taliyaha guud ee ciidamada qalabka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Turkiga oo wadahadalsiinaya Soomalaiya iyo Itoobiya

Muqdisho June 30, 2024(QJ)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga si uu uga qeyb galo wada-hadallada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ay dhexdhexaadineyso dowladda Turkiga. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

AFRICOM oo ka walaacsan in Soomaaliya qaado dhabihii Afganistan

Muqdisho June 30, 2024(QJ)-Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’ideystaan ​​ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta Africa ee Soomaaliya, taasi oo la filayo in mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan ciidamada qaranka Soomaaliya. General Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa ka dhawaajiyay cabsi xoogan oo ku aadan xilliga ay Ciidamada […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo u digay Jabuuti

Hargeysa -Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay War ka sooyeeray Jabhad lagu ururinayo dalka Jabuuti, wuxuuna arrintaasi ku tilmaamay mid lala yaabo. Waxa uu xusay in isbahaysiga la sheegay inuu ujeedkiisu yahay xoraynta degaano ka tirsan Somaliland, gaar ahaan Awdal. Biixi ayaa ku nuuxnuuxsaday in falalka noocaan ah ay yihiin kuwo aan la […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada oo beenisay wadahadal in ay la leedahay Al Shabaab

-Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay wadahadal kula jirto Al-shabaab, sida uu sheegay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Maxamuud ayaa boggiisa X (Twitter) ku shaaciyay in aysan jirin wax wada hadal ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab. Xuseen Macalin waxa uu sheegay in wada xaajood kasta oo macquul ah looga baahan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

ATMIS oo wareejisay xeradii 4aad

Kismyo June 29, 2024(QJ)-Ciidamada ATMIS ayaa ku wareejiyay Saldhigga Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Saldhigan ayaa noqonaya kii afaraad oo lagu wareejiyo wajiga saddexaad ee ciidamada ATMIS-ka ee dalka ka baxay. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku xigeenka ATMIS, Sivuyile Bam, wuxuuna ku nuux nuuxsaday […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sucuudiga oo Soomaaliya ka bixiyay amahahii OPEC

Vienna June 26, 2024(QJ)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo maalmahan ku sugnaa magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa heshiis muhiim ah la saxiixday Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC Dr. Abdulhamid Alkhalifa. Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Dr. Mohammed Al-Jadaan oo ah Wasiirka Maaliyadda Sacuudiga oo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab lagu laayay hawlgal ka dhacay Ceeldheer

Muqdisho June 26, 2024(QJ)-Ciidanka Xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Cali Cadhle oo qiyaastii 33-KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Sareeye Gaas Maxamed Dhega Weyne Taliyaha Ururka 24-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Maalinta Xoriyada oo laga xusany Muqdisho iyo Hargeysa

Muqdisho/Hargeysa June 26, 2024(QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka June oo ku beegan sannad-guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana laga taago calankeenna buluugga ah ee ka dul-tagaya dhul Soomaaliyeed oo xor ah. “Waxaan dhammaan ummadda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaaliya oo QM ka dacweysay ciidamo Itoobiyaan ah oo dalka soo galay

NY June 25, 2024(QJ)-Dowland Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay dacwad ku saabsan ciidamo Itoobiyaan ah oo si sharci darro ah ku soo galay Soomaaliya, iyagoo ka soo tallaabay xuduudda ay wadaagaan. Kulanka oo looga hadlayay ammaanka Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo wakiilo ka socday […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »