Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Muqdisho July 08, 2024(QJ) -Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka howlgal ay ka sameeyeen Xaafadda Dabdamiska ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku burburiyeen Guryo ku yaalla Xaafaddaas oo ay dadka deegaanka horay u diideen in ay ka guuraan, inkastoo dhowr jeer oo hore lagu soo wargeliyay. Booliska ayaa ku amray dadka deegaanka inay ka guuraan guryahooda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
-Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (ATMIS) ayaa sheegay in labo askari ay ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo marayay wadada xiriirisa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 07, 2024(QJ) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay colaado beeleed ka hurinayaan deegaano ka tirsan dalka, si ay colaad uga dhex abuuraan belaha, isla markaana ay u sii huriyaan khilaafaadyo dhexdooda ah. Madaxweynaha ayaa xusay in ujeedka ay ka leeyahay Al-shabaab ay tahay sidii ay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Wajeer July 07, 2024(QJ) -Maanta ayaa waxaa qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Milatariga Kenya iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Kenya ee la soo dhoobay Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ay isku dhaceen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Laascaanood July 06, 2024(QJ)-Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo C/qaadir Axmed Cali ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti, kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Bayaan ka soo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay muhiimadda ay socdaalkani u leedahay xoojinta walaaltinimada, nabadda, xasilloonida gobolka iyo taageeridda dhismaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Luuq July 06, 2024(QJ) -Xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed oo wada dega degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa saaka dib u soo cusboonaatay, kadib dagaal gacan ka hadal ah oo shalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmadaasi. Dagaalka saaka ka dhacay Luuq ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada dowladda iyo kuwa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 06, 2024(QJ) -Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan ayaa ku celceliyay in Soomaaliya aysan ka soo horjeedin in wada hadal lagu dhameeyo xiisada badda oo lala galo Itoobiya, balse wuxuu eedeyn kulul u jeediyay dowladda Itoobiya. Sidoo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 07, 2024(QJ) -Soomaaliya ayaa la sheegay inay bixisay 7.8 milyan oo dollar oo qeyb ka ah miisaaniyada sanad miisaaniyadeedka 2024/25, taasoo ay siisay bulshada bariga Afrika ee EAC oo ay dhawaan ku biirtay. Bixinta miisaaniyadan waxay gacan ka geysan doontaa dardargelinta qorshaha Soomaaliya si ay u hesho xuquuq buuxda oo xubinimo ah EAC, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 05, 2024(QJ) -Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga kaalmada ay siiso Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin gargaar aan ujeedo gaar ah laga lahayn. Madaxweyne Maxamuud ayaa xusay in Turkiga uu yahay dalka kaliya ee taageero muuqda u fidiyay Soomaaliya. Waxa uu ku nuux-nuux […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Baqdaad July 05, 2024(QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa shalay gaaray magaalada Baqdaad ee xarunta Jamhuuriyadda Ciraaq. War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu booqasho rasmi ah uga bilowday magaalada Baqdaad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »