Home » Wararkii ugu Dambeeyay You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”

ATMIS oo baareysa dil ciidamadoodu geysteen

Muqdisho July 20, 2024 (QJ) -Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday in uu billaabay baaritaan ku saabsan dhacdo dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacday degmada Buula Mareer July 17, 2024. ATMIS waxay qiratay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ciidamadoodu ay si lama filaan ah u laayeen dad rayid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Erdogan oo dalbaday in Ciidamada Turkiga Soomaaliya la geeyo

Ankara July 20, 2024(QJ) -Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka Turkiga u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in la ansixiyo in ciidamada Turkiga la geeyo biyaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii February, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo heshiis gaaray

Jigjiga July 19, 2024(QJ)-Madaxweynayaasha dowlad deegaanka Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in heshiis rasmi ah laga gaaray colaaddii muddada dheer u dhaxeysay labada gobol. Wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay u socday madaxda maamul goboleedyada ayaa lasoo gebagebeeyey gelinkii dambe ee shalay, iyadoo lagu kala saxiixday heshiis rasmi ah oo lagu joojinayo colaadaasi […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Xukuumada Soomaaliya oo mamnuucday ka ganacsiga hubka

Muqdisho July 19, 2024(QJ)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa kulan deg deg ah yeeshay, waxaana kulanka lagu ansixiyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo guddiga xuduudaha. Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa sidoo kale golaha wasiiradu waxa ay ka soo saareen go’aan mamnuucaya ka ganacsiga hubka iyo saadka ciidamada, iyadoo lagu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dagaal beeleed ka qarxay HirShabelle

Jowhar July 19, 2024 (QJ) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal qaraar oo maanta labo maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa maanta si weyn u sii xoogeystay, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Guddida Amaniga Qaranka oo ka shiray xaalada Hubka

Muqdisho July 18, 2024(QJ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Amniga Qaranka. Qodobada looga hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dhacdadii ugu dambeysay ee hubka sharci darrada ah lagu soo geliyay deegaano ka tirsan Maamulka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Dawlada oo cunaqabateyn dhaqaale saartay madax ka tirsan AS

Muqdisho July 18, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Amniga Qaranka. Qodobada looga hadlay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dhacdadii ugu dambeysay ee hubka sharci darrada ah lagu soo geliyay deegaano ka tirsan Maamulka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Dawlada iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Gedo

Luuq July 18, 2024 (QJ) -Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Booliska ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay inta u dhaxeysa Shaataloow iyo degmada Luuq ee gobolka Gedo. Intii uu socday howlgalka ayaa saraakiisha ciidamada waxa ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay. […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Turkiga oo shidaal ka baaraya Xeebaha Soomaaliya

Ankara July 18, 2024(QJ) -Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alp Arslan Bayraktar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in dalkiisu uu doonayo inuu sahamin shidaal iyo gaas ah ka sameeyo saddex goobood oo ku yaalla xeebaha Soomaaliya. Warkan ayaa soo baxay mar uu shir jaraa’id ku qabtay Istanbul ka dib markii uu ka […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Firdhiye oo la kulmay IGAD

Jabuuti July 08, 2024(QJ)-Madaxa SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda ugu sareysa urur goboleedka IGAD. Intii uu socday kulanka ayaa hogaamiyuhu waxa uu madaxda IGAD warbixin guud ka siiyay horumarka, nabadda, xasiloonida, iyo dadaalada dowlad dhisidda ee maamulka SSC-Khaatumo. Madaxda IGAD ayaa kala hadlay sidii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »