Home » Wararkii ugu Dambeeyay You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”

Soomaaliya oo eedeysay Duplamasiyiin Booqday Hargeysa

Muqdisho November 17, 2024(QJ) -Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Diblumaasiyiinta Shisheeye inay ku xad-gudbeen Qaranimada iyo Midnimada dalka. Xildhibaan Fiqi oo hadal ka jeediyay xaflad ay ku qalin jabinayeen dublamaasiyiin oo lagu qabtay xarunta wasaaradda, waxa uu dhaliilay safiirradii goob-joogga ka ahaa doorashadii ka dhacday […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Muuse Biixi oo quustay iyo Madaxtooyadii oo haawaneysa

Hargeysa November 17, 2024(QJ) – Waxa isa soo taraya wararka sheegaya in isbedel baahsan laga dareemaya caasimada Hargeysa guud ahaan, gaar ahaan aqalka Madaxtooyada Somaliland. Kulan ay dhawaan Madaxtooyada ku yeesheeen Madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi iyo Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cadiraxmaan Ciiro, kulanka ayaa ahaa mid Muuse Biixi uu ku aqbalayay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Madaxda Dawlada Soomalaiya oo Tacsi u diray ehelada Marxuum Axmed Siilaanyo

Muqdisho November 16, 2024(QJ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaanay ku dheeraadeen waxqabadkii muuqda ee uu ka geystay shaqada qaranka iyo horumarka, gaar ahaan doorkii uu ka soo qabtay wasaaradaha […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeerka Doorashooyinka

Muqdisho November 16, 2024(QJ)-Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wada jir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxa ay ku ansixiyeen sharciga dhismaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha. Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay sharcigan, iyadoo 173 mudane ay ogolaadeen in la ansixiyo. Ma jirin […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Itoobiya oo ka hadashay la dagaalanka Al Shabab

Addis Ababa November 16, 2024(QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonto dadaalada lagu wiiqayo awooda Al-Shabaab. Danjire Nebiat Getachew, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa ku nuux-nuuxsaday doorka muhiimka ah ee Itoobiya ay ka qaadaneyso yareynta khatarta Al-Shabaab ee gobolka. “Al-Shabaab weli walaac ayay ku hayaan amnigeena qaranka, dadaallada looga […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Tirinta codadakii doorashooyinka oo la soo gebagebeeyay

Hargeysa November 15, 2024(QJ)-Tirinta codadka doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada siyaasadda ee Somaliland ayaa la soo gebagebeeyey dhammaan 2,337 goobood oo codbixineed. Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in Komishanka oo kaliya loo ogol yahay inay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah, waxaanu ka digay inay faafiyaan natiijada rasmiga ah. Saadushuna waxa ay tahay […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Itoobiya oo bogaadisay Doorashooyinka Somaliland

Addis Ababa November 15, 2024(QJ) -Dawladda Itoobiya ayaa ku ammaantay Somaliland doorashadii madaxtooyada iyo xisbiyada siyaasadda ee Somaliland ka qabsoontay 13-kii November 2024, sida xorta ah ee ay u dhacday. Wasaaradda arrimaha dibeddu waxay iftiimisay sida nabad-gelyoda iyo xoriyadeed ee doorashadu u dhacday, waxaanay ku ammaantay guddida doorashooyinka Somaliland sida ay u abaabuleen codeynta. War-saxaafadeedkan […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu deeqday $5 Million

NY November 15, 2024(QJ)-Qaramada Midoobay ayaa 5 milyan oo dollar ku taageertay Soomaaliya, deeqda ayaa ka timi sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee Soomaaliya si looga taageero Soomaaliya abaaraha ku soo wajahan, gaar ahaan kuwa saameeynaya bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland. Maalgelinta ayaa la filayaa in lagu caawiyo in ka badan 130,000 […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Korjoogeyaal Hanbalyeeyay doorashooyinka Somaliland

Hargeysa November 14, 2024(QJ) -Safiirrada caalamiga ah ee dusha kala socda doorashooyinka Somaliland ayaa bogaadiyay doorashadii ka dhacday Somaliland, iyagoo sheegay inay si hufan oo nabad ah u dhacday. Waxa ay is barbar dhigeen dimuquraadiyada Somaliland iyo dimuqraadiyada kale ee caalamka, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in musharixiinta iyo muwaadiniinta la siiyo […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamda Jubaland oo hawgal ka dhan ah Al Shabaab ka wada Buulo-Xaawo

Kismaayo November 14, 2024(QJ)-Ciidamada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah oo ka dhan ah Al-Shabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen deegaanka Buula-xaaji oo khasaare geystay. Ciidamada Daraawiishta ayaa howlgalkooda Buulo-xaaji ku ballaariyay si ay u beegsadaan rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, si ay uga jawaabaan weerarka. Howlgalka oo socda […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »