Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Hargeysa July 30, 2024(QJ) -Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay laba xubnood oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Somalia ee NISA. Maxaabiista ayaa loo haystaa inay qorshaynayeen dilal qorshaysan oo ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, sida ay sheegayaan warar uu baahiyay Telefishanka afka dawlada ku […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Bossaso July 30, 2024(QJ) -Ciidamada amaanka Puntland ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen magaalada Boosaaso waxa ay kusoo qabteen hub iyo agab ciidan oo aad u badan. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku soo dhigeen hub aad u fara badan, kadib howlgal ay ka sameeyeen guri ku yaala mid […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 30, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo Taliyaha Hoggaanka Danbi baarista Gaashaanle Sare Muxudiin Axmed Cismaan ayaa maanta qalab baaris ah ka guddoomay Safaaradda Shiinaha ee dalka Shiinaha. Isla munaasabada ayaa waxaa tababar loogu soo xiray saraakiishii ka faa’ideysay qalabkan, kuwaasi oo in muddo ah u […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ankara July 29, 2024(QJ) -Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii sheegay in laga yaabo in Turkiga uu faragelin ku sameeyo Israa’iil, si la mid ah falalkoodii hore ee Liibiya iyo Nagorno-Karabakh, inkastoo uusan faahfaahin gaar ah ka bixin nooca faragelintaas. Erdogan, oo aad u dhaleeceeyay weerarka Israel ay ku hayso Qaza, ayaa hadalkan jeediyay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Riyaad July 29, 2024(QJ)-Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane Eng. Abdulrahman Abdulmohsen AlFadley. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sare u qaadista xiriirka taariikhiga ah […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Mogadishu July 29, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka sanadlaha ah ee Culimada Soomaaliyeed. Shirkan oo ay sanadkan isugu imaanayaan culimo Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo halku-dhiggiisu yahay “Soomaaliya Midowda ah”. Shirkan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 28, 2024(QJ)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Puntland ugu hambalyeysay doorashadii hal qof iyo cod ee ka dhacday degmooyinkeeda. Mareykanka oo ugu hambalyeeyay shacabka Puntland iyo maamulkooda hirgelinta doorashooyinkan, ayaa sheegtay in doorashada Puntland ay tahay tallaabo muhiim ah oo dhabbaha u xaaraysa horumarinta dimuqraadiyadda Soomaaliya. Dalalka Soomaaliya ka caawiya arrimaha doorashooyinka iyo horumarinta […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 28, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyay shirka isku xirka barnaamijka xasilinta dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa lagu qiimeeynayaa horumarrada laga gaaray barnaamijka xasilinta dalka oo ay dowladdu hormuud ka tahay, kaasoo ujeedkiisu yahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada, taabagelinta dowladnimada, sugidda […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho July 27, 2024(QJ)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay qaabka loo maamulayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo dib u dhac ku yimid howlgalladooda ka dhanka ah Al-Shabaab. Sheekh Shariif waxa uu sheegay inaysan jirin hal guuto oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo awood u […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa July 27, 2024(QJ) -Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay iska fogeysay eedeymo uga timid dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan hubkii dhawaan lagu bililiqeystay magaalada Caabudwaaq. War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto hadalada kicinta ah ee dhawaan ka soo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »