Home » Wararkii ugu Dambeeyay You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”

Itoobiya oo Safiir u soo magacaabay Hargeysa

Addis Ababa August 04, 2024(QJ)- Dowladda Itoobiya ayaa ergey u soo magacawday magaalada Hargeysa, si loo wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka Itoobiya. Madaxtooyada Itoobiya ayaa xaflad u qabatay safiirro uu dhawaan Madaxweyne Sahlework Zewde u soo magacaabay inay u metelaan Itoobiya dalal kala duwan oo ay Somaliland ka mid tahay. Teshome Shunde […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

RW Xamse oo sheegay in lala xisaabtamo sarakiil lahaa masuuliyada weerarkii Liido

Muqdisho August 04, 2024 (QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo xalay booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, ayaa kala hadlay tallaabooyinka adag ee lagula xisaabtamayo Saraakiisha ka mas’uulka ah goobihii ay Al-Shabaab weerartay. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka. Xamza Cabdi Barre ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Africa oo ka shireysa Ciidamo loo soo diro Soomaaliya

Addis Ababa August 03, 2024 (QJ)-Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in maanta ay yeeshaan kulan ay dib u eegis ugu sameynayaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ka dib markii la soo gabagabeeyo howlgalka ATMIS ee dalka. Shirkan oo markii hore lagu waday inuu dhaco 25-ka bishii July ayaa […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Al Shabaab oo sheegatay weerarkii Liido

Muqdisho August 03, 2024 (QJ)-Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin iyo mid toos ah oo xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa sababay dhimashada dad badan oo rayid ah oo xeebta u yimid nasasho iyo madadaalo. Qoraal ay soo saareen Al-Shabaab ayay ku sheegeen in weerarka uu […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

QM oo canbaareysay Qaraxii Liido

Mogadishu August 03, 2024 (QJ)-Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay Weerarkii Argagixiso ee xalay ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad ​​32 ruux tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Itoobiya oo sheegtay in Al Shabaab khatar ku tahay amiga Gobolka

Addis Ababa July 31, 2024(QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weli halis weyn ku yihiin ammaanka iyo xasilloonida dalkooda iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in ciidamadooda ay heegan buuxa ku jiraan si ay uga hortagaan falalka Al-shabaab. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla, ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidanka Amaanka Kiinya oo weeraray Al Shabaab

Garissa July 31, 2024 (QJ) -Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanka Kenya ay maanta ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Ciidamada Booliska Kenya ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheynayay inay weerar ku qaadaan deegaanka Alango, oo ku yaala wadada isku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Sirdoonka Somaliland oo sheegay in ay qabqabteen saraakiil ka tirsan NISA

Hargeysa July 30, 2024(QJ) -Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay laba xubnood oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Somalia ee NISA. Maxaabiista ayaa loo haystaa inay qorshaynayeen dilal qorshaysan oo ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, sida ay sheegayaan warar uu baahiyay Telefishanka afka dawlada ku […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Ciidamada Puntland oo qabtay hub sharcidaro ah

Bossaso July 30, 2024(QJ) -Ciidamada amaanka Puntland ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen magaalada Boosaaso waxa ay kusoo qabteen hub iyo agab ciidan oo aad u badan. Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Boosaaso ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku soo dhigeen hub aad u fara badan, kadib howlgal ay ka sameeyeen guri ku yaala mid […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »

Safaarada Shiinaha oo tababar iyo Qalabeyn isu raacisay Booliska Soomaaliya

Muqdisho July 30, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Sulub Axmed Firin oo uu wehliyo Taliyaha Hoggaanka Danbi baarista Gaashaanle Sare Muxudiin Axmed Cismaan ayaa maanta qalab baaris ah ka guddoomay Safaaradda Shiinaha ee dalka Shiinaha. Isla munaasabada ayaa waxaa tababar loogu soo xiray saraakiishii ka faa’ideysay qalabkan, kuwaasi oo in muddo ah u […]

Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »