Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Berbera August 11, 2024(QJ)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo hadda ku sugan magaalada Berbera, ayaa wax aan macquul ahayn ku tilmaamay fikradda ah in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaqengeliso heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland. Muuse Biixi ayaa dhaliilay soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo Jimcihii soo jeediyay in khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho August 11, 2024(QJ)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Isbaaro ku taalla Galbeedka Jalalaqsi, halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Macawisley. Sida ay sheegayaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho August 11, 2024(QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan. War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen xiriirka dhow ee ka dhaxeeya dalalkooda iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho August 10, 2024(QJ) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay madaxda kala duwan ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada inay si firfircoon uga shaqeeyaan horumarka dalka. Waxa uu ku nuux-nuux saday in uusan raali ka ahayn in muddo kordhin loo sameeyo, isla markaana ay doorashadu ku dhici doonto waqtigii loogu […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Jeddah August 10, 2024(QJ)-Soomaaliya iyo Iran ayaa muujiyay sida ay u daneynayaan hagaajinta xiriirkooda, kaddib kulan magaalada Jeddah ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Ali Bagheri Kani. Fiqi, ayaa intii uu socday kulanka oo ku soo beegmay shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhamaadkii todobaadkii hore, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ankara August 10, 2024(QJ) -Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wada hadal dhanka taleefanka ah yeeshay, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo khilaafka Addis Ababa iyo Muqdisho. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Turkiga, Erdogan ayaa xusay doorka Turkiga ee dhimista xiisadaha ka dhex aloosan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho August -09, 2024(QJ) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dhowr qodob oo muhiim ah. Waxay ansixiyeen laba sharci oo muhiim ah oo kala ah: Sharciga Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciga […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa August 09, 2024(QJ) -Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeyb qaadaneyso howlgalka cusub ee xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo ballan qaaday in cutubyo ka tirsan ciidamadooda ay u diri doonto Soomaaliya. Ciidamadan ayaa isugu jira cutubyo ku qalabeysan gaadiidka gaashaaman iyo kuwa daabula si ay u taageeraan howlgalka. Midowga […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho August 05, 2024(QJ) –Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab ay xalay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaaladaasi. Dadkan baxsaday ayaa horay loogu xukumay dil iyo xabsi daa’in. 12 maxbuus oo xiriir la leh Al Shabaab ayaa ka baxsaday xabsi ku yaala waqooyiga Gaalkacyo. […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa August 05, 2024(QJ)-Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga. Turkiga ayaa sheegay in socdaalkan uu qeyb ka yahay dhex dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya ee lagu xalinayo khilaafka ka dhashay heshiiska […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »