Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Bossaso September 15, 2024 (QJ) -Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyadii tagi jirtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, taasi oo saameyn ku yeelatay duulimaadyadii diyaaradaha ee Daallo Airlines iyo Ethiopian Airlines oo maanta lagu waday in ay halkaas ku degtaan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ay ku wargelisay Daallo Airlines iyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Kismayo September 15, 2024(QJ) -Saaka ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar culus ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Jubaland. Saldhigyada la beegsaday ayaa ku yaalla deegaanka Jannaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo. Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana xigay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Al-Shabaab iyo ciidamada isku dhafka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Ankara September 15, 2024(QJ) -Wajigii 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmi lahaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, oo horay loo qorsheeyay in la qabto 17-ka bishan September, waxaana dib loo dhigay sababo aan la shaacin. Dib u dhigistan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisada u dhaxaysa labada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa September 14, 2024(QJ) -Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ugu dambayntii shahaadooyinka musharaxnimada guddoonsiiyeen murrashaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, xilli ay diyaar-garowga ugu badan ee doorashada isku-darka ah ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka bishan November. Musharixiintan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu ka socdo Xisbiga Kulmiye, C/raxmaan […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Addis Ababa September 14, 2024(QJ) -Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Atske-Selassie ayaa xafiiskiisa magaalada Addis Ababa kula kulmay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador Mike Hammer. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika. Wasiir Taye ayaa muujiyay walaaca ay Itoobiya ka qabto ATMIS ka dib (Howlgalka KMG […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Garoowe September 08, 2024(QJ) -Dab xooggan ayaa xalay ka kacay kaalin shidaal oo lagu magacaabo 3CC iyo Garaash ku dhow magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Dabka ayaa baabi’iyay Kaalintii Shidaalka iyo gaadiidkii yaalay Garaashkaasi, balse lama oga khasaaraha ka dhashay dabkaasi. Waaxda dab-damiska dawladda hoose ee Garoowe oo ay weheliyaan gawaari ay leeyihiin shirkadaha biyo […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho September 08, 2024(QJ) -Qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga soo horjeestay damaca dhuleed ee Itoobiya ay ka leedahay dhulka Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin xiriirka Masar iyo Soomaaliya. Intii uu socday kulanka ayaa culimadu si cad uga digeen xadgudubka ay Itoobiya […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho September 09, 2024(QJ) -Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Mareykanka ayaa booqasho ku gaaray Gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliyaha oo ay la socdaaan Korneyl David Haskell, Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka iyo saraakiil kale ayaa halkaa booqanaya. Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho September 07, 2024(QJ) -Qaraxyo xooggan ayaa caawa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxyada. Goobaha qaraxyada laga maqlay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Xamar Weyne, Boondheere, Warta Nabadda, iyo Yaaqshiid, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaafiicdaasi ay sababeen qaraxyada, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Beijing September 07, 2024(QJ)-Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la dhaqan gelin doono heshiiskii ay wada gaareen Maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya, isla markaana uu socdo. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa arrintan ka sheegay mar uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Waxay ka wada hadleen […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »