Home » Wararkii ugu Dambeeyay
You are browsing entries filed in “Wararkii ugu Dambeeyay”
Dubai October 13, 2024(QJ) – Ilo waredyo ka agdhow Suldaanka guud ee Beesha Habarjeclo ayaa soo warinayaa in Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cali uu taageersan yahay goaankii dhawaan Salaadiinta Bashaasi kaga dhawaaqeen degmeda Ceelafweyn. Goaanka oo ay ku tageereen musharnimada madaxweynenimo ee Cabdiraxmaan Ciro, iyo xisbinimada ururka KAAH. Ilahan noo waramay ayaa sheegay in Suldaanku goaanka […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 06, 2024(QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faah faahin dheeraad ah ka siiyay warbaahinta wajigii u dambeeyay ee howlgalka ATMIS. Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen in ka badan 27-xarumood oo ku yaalla dalka oo ay ku sugnaayeen howlgalka nabad ilaalinta ATMIS, dhawaana la […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 06, 2024(QJ) -Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin looga hortagayo hubka sida sharci darrada ah loo soo geliyo dalka, kaasoo ka imaanaya dalka Itoobiya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ciidamo la geeyo xuduudaha dalka si loo xakameeyo hubka sharci […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 06, 2024(QJ)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta la kulmay la taliyaha safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Flanery Robert oo ah la taliyaha la dagaalanka Argagixisada. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 05, 2024(QJ) -Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ku guuleystay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo howlgalkaasi lagu soo afjaray ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalka ayaa lagu beegsaday deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi, waxaana si gaar ah diirada lagu saaray […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Muqdisho October 05, 2024(QJ)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka ayaa ku dhawaaqay go’aan muhiim ah oo ka dhan ah Itoobiya, isagoo caddeeyay in ciidamadooda aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka AUSSOM […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Washington October 04, 2024(QJ)-Kulan looga hadlayay ammaanka Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen shan dal oo Soomaaliya ka caawiya dhanka ammaanka ayaa lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, waxaana dalalka ka qeyb galay ka mid ahaa Qatar, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Mareykanka iyo Mareykanka. Boqortooyada. Wadamadan ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan madax banaanida Soomaaliya, […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
NY October 04, 2024(QJ)-Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, oo khudbad ka jeediyay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFKS) ay sii wadayso diiradda saarista dhinacyada mudnaanta leh sida dib u eegista dastuurka iyo hirgelinta hal-abuur nidaamka doorashada […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
NY October 04, 2024(QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay wadatashiyada qaran ee Soomaaliya ka socda oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xsan Sheekh Maxamuud. Wasiir Fiqi ayaa si aan gabasho lahayn u diiday sheegashada dhuleed ee Itoobiya, isagoo ku eedeeyay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »
Hargeysa September 30, 2024(QJ) -Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laga sii daayay xabsiga, kadib markii uu muddo bil ku dhow u xirnaa amar ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland. Xaqiijinta sii daynta xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u sheegay taliyaha xabsiga uu ku xiran yahay. Siideynta Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa ka dambeysay […]
Posted in Wararkii ugu Dambeeyay | Read More »