Wararkii u Dambeeyey Ee Shirweynaha Kulmiye, Jawiga Oo Wali Deggen, Waddooyinka Hutel Mansoor Ku Dhaw Oo Wada Xidhan iyo Dhibaato Soo Food-saartay Gaadiidka Dadweynaha
Hargeysa:April,28,2014(SDN/QJ)-Jawiga Guud ee Goobta uu ka Furmayo Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa Saacaddan ah mid aad u deggen, waxana ay Ergooyinku wali ku qulqulayaan Xarunta Shirka oo ah Hutel Mansor.
Sida uu sheegayo Wariyaha Qurbejoog.com eek u sugan Goobta Shirku, waxa La Xidhay Waddada Tagta Hutelka, iyadoo aanay Baabuurta Shacabku dhaafaynin Hutel Safari oo masaafo dheer u jira Huteelka Munaasibadda loogu talo galay ee Mansoor hutel.
Dadweynaha caadiga ah ee Waddaas Adeegsan jirey, ayaa saaka dhibaato weyn kala kulmaya Ciidamo lagu daadiyey Waddooyinka ku dhawdhaw Huteel Mansoor, waxana Gebi ahaan aan Gaadiidka laga Ogolayn waddooyinka Huteelka Hareerihiisa Mara.
Gaadiidka Basaska ah ayaa iyagana laga Celinayaa Wadadda Isgoyska Jig-jiga yare e Hutelka Safaari, waxana ay taasi dhibaato weyn uku noqotay shacabka suuqa iyo xaafadaha iskaga kala Gooshaya.
Illaa iyo Haatan Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxdii Xisbigu ma ay soo Gelin Huteelka, waxana lagu mashquulsan yahay kala habaynta iyo kal Nidaaminta Ergooyinka Xisbiga ee Meelaha Fogfog ka yimi iyo kala Fadhiisintooda.
Wixii warar ah eek u soo kordha dhirka la filayo inuu furmo kala soco Qurbejoog.com
SDN/QJ-Hargeysa