Warar Kasoo Kordhay Weerarro Shabaabku Xalay Ku Qaadeen Gudaha Magaalada Baydhabo
Baydhabo:Jully,12,2015(SDN/QJ)-Waxa soo kordhaya warar kasoo baxaya weerar shabaabku xalay ku qaadeen aqal ku yaalla Magaalada Baydhabo oo la sheegay inay ku sugnaayeen Masuuliyiin sare oo katisanaa Maamulka Koonfur Galbeed.
Weerarkan ayaa ahaa mid loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro oo lagu ganay guriga, waxaana Askari ilaalo ka hayey guriga uu rasaas ku riday raggii hubaysnaa ee guriga Bambada ku tuuray.
Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Baydhabo Maxamed Isxaaq Afloow, ayaa u sheegay Idaacada VOA Askarigii ilaalada ka haayay guriga inuu rasaas ku dhaawacay mid ka mid ah raggii guriga bambada ku weeraray, xilli uu sheegay in ragga hubaysan dhowr bambo ay guriga la dhaceen.
Mr. Afloow, wuxuu tilmaamay in wax khasaare ah dhankooda aanu kasoo gaadhin bambooyinka lala dhacay, balse ay gacanta ku dhigeen ninkii Shabaabka ahaa ee Askariga uu dhaawacay, kaasi oo hada lagu hayo Saldhiga Magaalada Baydhabo.
“Qoladii Nabadiidka Ugus ayaa hoygeyga weerar ku soo qaadeen dhowr bambaano ayey igu soo tuureen, bamkii hore Askarigii irida fadhiyay ee guriga ilaalada ka hayey ayaa nimankii soo tuuray mid ka mid ah wuu dhaawacay, kadib bambooyinka kale ayey soo tuureen waxa ay isku dayaayeen inay qaataan ninka dhaawaca laakiin waa ay u suurageli weyday, ninkii dhaawaca ahaa hada Saldhiga Magaalada Baydhabo ayuu yaalla oo Booliska ayaan ku wareejinay.” Ayuu yidhi Maxamed Isxaaq Afloow Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Magaalada Baydhabo.
Guriga Bambooyinka Shabaab xalay ay la dhaceen, Afloow waxaa ku weheliyay oo la deganaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed, balse ma jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaadhay bambooyinkaasi.
SDN/QJ