Warar Cusub Oo Kasoo Kordhay Kontinarkii Hubka iyo Dirayska Diday Ee Dhawaan Dekedda Muqdisho Lagu Qabtay
Muqdisho:Nov,14,2014(SDN/QJ)-Warar cusub ayaa kasoo kordhaya Kontinar cabsi iyo shaki ku abuuray Dawladda Federalka somalia, kaas oo Bishii hore lagu dhex arkay Hub, dirays Militeri iyo Agab kale oo kamid ah waxyaabaha qarxyada loo adeegsado.
Shabakadda wararka ee IHS Maritime, ayaa iyadu qortay warar ka faahfaahsan kii hore, kuwaas la xidhiidha Halka uu ku dambeeyey Kontinarkaas oo warkiisa bulshadu xiiso badan u qabtay.
Kontaynarka laga helay qalabkaasi ayaa la sheegay inuu u diiwaan-gashan yahay Shirkad lagu magacaabo BIL, wuxuuna Kontaynarkaasi qeyb ka ahaa Kontaynar uu waday Markab ka yimid dalka Shiinaha, kuna soo xidhay Dekedda Muqdisho bishii October 22-dii ee la soo dhaafay.
Boliska Dowladda Federalka ayaa la sheegay inay qabteen oo ay baadhitaanno ku hayaan laba nin oo ku lug leh xamuulkaasi sharci-darradda ah.
Markabka ayaa la sheegayaa inuu ku jiro gacanta ciidanka ammaanka, waxana wali socota baadhitaano lagu hayo cidda loo waday agabkan iyo sida loogu geynayey.
Markabkan ayey xukuumadda federalka Somalia filaysaa inay ka heli doonto xogo baahsan, kuwaas oo daaha ka rogi doona Silsilado taxan oo ay kooxaha fadqalalada wadaa soo marsiin jireen Hubka iyo noocyada kala duwan ee waxyaabaha ay u baahan yihiin oo dibadda looga keeni jirey.
Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee Sabahi ee ay leeyihiin Hawlgalka Ciiddanka Maraykanka ee Afrika ayaa qortay in qabashadda shixnadaasi muujinayso inay sii kordhayso Waxqabadka Hawlaha Badda iyo Heerka Ammaanka ee Dekedda Muqdisho.
Golaha Ammaanka ee QM waxay Bishii la soo dhaafay ee October 24-dii ansixiyeen inay Dowladaha iyo Urur-gobaleedyadda u fasax yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo lagu baadhayo Maraakiibta ku sugan xuduud-baddeedka Somalia, si loo hubiyo inaanay wadin shixnaddo hub ama dhuxul ah.
Safiirka Britain u jooga Xarunta Dhexe ee QM, Mark Lyall ayaa sheegay in dhuxusha laga dhoofiyo Somalia qeyb ka tahay deganaansho la’aanta ka jirta dalka Somalia.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com