Warar Cusub Oo Ka Soo Kordhay Xaaladda Xildhibaankii Lagu Dhaawacay Magaalada Burco
Burco:13-April-2014(SDN)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo Maalintii shalay ahayd lagu Dhaawacay Toorray Magaalada Burco, ayaa Xaaladiisa Caafimaad lagu sheegay mid ka soo raynaynaysa, waxana lagu wadaa in Magaalada Hageysa ee Caasimadda Somaliland loo soo gudbin doono.
Xaaladda Xildhibaanka, ayaa lagu sheegay mid meel fiican maraysa, waxana qaar ka mid ah Ehelladiisa oo saxaafadda la Hadlay, ay sheegeen inay jirto culays uu marmarka qaar dareemayo, kaas oo sababaya inuu koomo galo.
Nabarrada ku yaalla xildhibaanka, ayaan intooda badani meelo halis ah kaga dhicin, waxana ay u badan yihiin Dhabarka oo dhinaca Garbaha u dhaw iyo madaxa.
Sababta loogu soo Gudbinayo xildhibaanka Magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo Tusi lahaa Dhakhaatiirka takhasuska leh ee Halkan jooga, maadaama aanay Magaalada Burco ku sugnayn Dhakhaatiir khubaro ku ah dhaawacyadu, waxana lagu wadaa ilaa iyo maanta marka ay xaalladiisu saamaxdo inuu safar Galo in la soo qaadi doono.
Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, kana soo jeeda Xisbiga Waddani, ayaa la sheegay inuu weerarkiisa ka dambeeyey Wiil uu Adeer u ahaa oo ay Arrimo aan la Faahfaahini ka dhexeeyeen.
S.D.N
Contact@qurbejoog.com