Waran-Cadde oo Fashiliyey Cudud Qarannimada Somaliland Lid Ku Ah oo Qaramada Miboobey Maleegayaan
Hargeysa Oct 24,2012(SDN/Hubaal)- Siyaasiga Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa cawaaqib xumo ku tilmaamay ciidammo uu sheegay in lagu tabobarayo meelo ka mid ah dalka Soomaliya oo uu ku eedeeyey inay Qaramada Midoobey dabada ka wadaan.
Cali Warancadde waxa uu sheegay in Ciidammadani hor dhac yihiin qorshihii cunaqabataynta lagaga qaaday hubka Soomaaliya ee ay dhawaan Qaramada Midoobay meesha ka saartay, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar ku ah Dalka Somaliland.
“sanadkii 1992-kii dalkii Soomaaliya laysku odhan jirey waxa lagu soo rogay cuno qabatey xaga hubka ah, arintaasu khatar weyn ayay keentey ka dib markii bishii Octobar, 2011-dii ay dawladdii Soomaaliya heshay in la dhisto ciidan xoog leh oo ku wajahan dhinaca Somaliland oo heshiis la galeen shirkado ajanabi ah, ciidankiina maanta uu marayo ciidan awood badan leh oo haddii innaga iyo Somaliya afku inaga xumaado awoodi karaya inuu innaga weeraro cirka, dhulka iyo baddaba oo runtii aad iyo aad loo tababarey”ayuu yidhi Waran Cade, oo xalay u warramay HCTV.
Waxaanu intaa ku darey, “Ciidankaasi waxaan ku cambaareynayaa Qaramada Midoobey sababtoo ah iyagaa ka mas’uul ah Soomaaliya waanay og yihiin khilaafka dhexyaala haddey tahay mid dawladeed iyo mid siyaasadeedba.”.
Waxa kale oo uu Mr. Warancadde baaq soo jeediyey shacabka Somaliland Madax iyo Minjo-ba oo uu uga digay Cawaaqibka Ciidammadaasi keeni karaan, “Waxaan leeyahay mar haddii laynoo Heshiiyey shacab iyo dowladba aynu isku tashano oo bilowno ciidankeena geesiyaasha ah awooddiisa sidii loo horumarin lahaa si aynu iskaga caabbino cid kasta oo fool xumo ku keeni karta Qaanimadeena” ayuu yidhi Cali Waran Cadde.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com