WARAABE HOOYADEY INTEY NOOSHEYNA CAANAHAAN KA CABI ,MARKEY DHIMATANA HILBAHEEDAAN CUNI
Maalintii khamiistii ayaa anigoo jooga hadhwanaag ley sheegey xaflad loo qabanaayo KULMIYE oo loo qabanaayey niman sheegtey XAQSOOR waxaana ka mid ahaa Qabo ,hadaba waxa ay isweydiintu tahey waa kuma mr,QABO? Waa ninkii caruurta lalaayey kiciyey kadibna uduuley magaalada London waxaanu isla magaaladaasi ka bilaabey lacag urursi uu ku sheegayo inuu maxkamad ku furayo islamarkaa waxa garab socdey gorgortan uu la cag ku qaatey inuu ku joo jiyo maxkamada oo ay dhexdhexaadinayeen suldaanka ina xaaji xuseen waxa halkaasi ka sameeyey laba lacagood oo labadii qolo oo ah mid uu ku furayo iyo mid uu ku joojinaayo hadana waxa uu bilaabey inuu hilbahoodii dib ugu soo doonto hargaysa oo uu halkaa ka ababuley koox uu ku sheegey Xaqsoor,waba saxe hadaba isna Kulmiye muxuu dhiniciisa ka rabaa.
a-In la bahdilo ninkii tvyada waxaad ogtihiin ka sheegi jirey oo la tuso isagoo intii cakiskeeda ku hadlaaya oo is caayaaya. b-kulmiyuu qaawismay oo maradii ka dhacdey oo halbeeli ku soo hadhey in lagu midabeeyo. c-In muuse biixi loogu xaabo badsado oo lagu gowraco oo inta golaha dhexe tiro yar loogu daro goordhow halkii xirsi u calaamadiyo ufooda. Hadaba kulmiyow reer xaqsoor wuxuu ku leeyahey Aan ku tumo hadana hayga tagin Taagna kuma dhaamo Hadii aad noola timaadeen Nama taqaanaan Hadaba Qabo iyo kuwii la socdey waxaan leeyahey markii sacabka leydiin tumaayey in leydinku qoslaayey in leydiin qoslaayey makala garanayseen.
Alla Habaryartay (Aamina Waris) Xariifsanaa ( Gamagamayntii Mr Bean)
Ethiopia waa dal saaxiib dhow la ah Somaliland abaal wayna inoo gashay wakhtiyadii adkaa. Sidaas ay tahay waxa jirta caadooyin foolxun oo dadkeenu ka soo waarideen xagaa. Waagii aan yaraa ee aan Itoobiya joogay wakhtigii Xayle Salaase waxa jirtay hab loo ciqaabo ciddii boqortooyada aflagaadaysa ama xukuumada wax ka sheegta. Ciqaabtaa waxa la odhan jiray ‘Gamagamo’ oo af Soomaaliga ku noqonaysa ‘Is-dhaliil’. Qofka dambigaa lagu soo eedeeyo inta xadhig qoorta lagaga xidho ayaa la raacin jiray laba askari waxana lagu soo wareejin jiray suuqyada waawayn iyo meelaha dadku isugu yimaadaan, waxa la odhan jiray adigu is dhaliil oo is cay, dabeeto qofkaasi, isaga oo codka kor u qaadaya ayuu odhan jiray; ‘ Waan qaldamay’, ‘boqortooyadu ceeb ma le’, ‘anigaa qudhun ah’.
Ethiopia waa dal saaxiib dhow la ah Somaliland abaal wayna inoo gashay wakhtiyadii adkaa. Sidaas ay tahay waxa jirta caadooyin foolxun oo dadkeenu ka soo waarideen xagaa. Waagii aan yaraa ee aan Itoobiya joogay wakhtigii Xayle Salaase waxa jirtay hab loo ciqaabo ciddii boqortooyada aflagaadaysa ama xukuumada wax ka sheegta. Ciqaabtaa waxa la odhan jiray ‘Gamagamo’ oo af Soomaaliga ku noqonaysa ‘Is-dhaliil’. Qofka dambigaa lagu soo eedeeyo inta xadhig qoorta lagaga xidho ayaa la raacin jiray laba askari waxana lagu soo wareejin jiray suuqyada waawayn iyo meelaha dadku isugu yimaadaan, waxa la odhan jiray adigu is dhaliil oo is cay, dabeeto qofkaasi, isaga oo codka kor u qaadaya ayuu odhan jiray; ‘ Waan qaldamay’, ‘boqortooyadu ceeb ma le’, ‘anigaa qudhun ah’.
Marka u maalintii oo dhan sidaa yeelo ayaa la soo celin jiray, dabeeto guddi ayaa ka fadhiisan jirtay si ay u eegto in isdhaliilka u qofkaasi sameeyay ay u qalanto dambigii uu galay. Hadaba haday guddidaasi u aragto in aanay ku filayn intaasi, waxa dhici jirtay in maalin kale suuqii lagu celiyo oo la yidhaa maantana Hooyadaa soo cay. Sidoo kale hadii guddidaasi ay ku qanci waydo, waxa lagu qaadi jiray Gamogamo 3 oo ah ciqaabta ugu saraaysa. Waxa dhici jirtay in maalin saddexaad qofkii lagu celiyo fagaarihii, waxana lagu odhan jiray maanta waxaad soo caayaysaa Hooyadaa Hooyadeed. Dhibanahaasi maalintaas oo dhan waxa uu u cay kula dul kufi jiray ayeeydii isaga oo leh; ‘ Hooyaday tii dhashay ayaan nasab ahayn’, ‘waxaanu nahay dad-xun’, asal baanaan ahayn’, ‘tafiirtayadii hore ayaan wanaagsanayn’, ‘boqortooyadu waa ceeb ka saliim.
In-kastoo kontan sanno in ka badani ay ka soo wareegtay markii waxaasi dhacayeen, waxa xasuustooda dib iigu soo celiyay dhacdo aan ka daawaday telefishanka qarranka. Galab dhawayd, anoo markaa salaadii makhrib dhamaystay ayaa ku yar oo aan dhalay oo sagaal jir ahi ii dhawaaqay; ‘ Aaaaboooy kaalay daawo Mr Bean is on TV. Mr Bean waa magac ay caruurtan yay-yar ee dambe u yaqaanaan nin siyaasi ah oo la yidhaa Maxamed Aadan Qabo.
Markii aan TVgii dul imi ayaan isha ku dhuftay ninkii Qabo (oo aanu saaxiib dhow nahay) oo Aamina Waris ay dhulka jiidayso. Jidhiidhico ayaa korkaygii buuxisay markaan arkay ninkii oo inta dumar la horkeenay lagu amray in uu is-dhaliilo. Markan aan leeyahay Aamini cadawsanaa waxa aan uga socdaa maxbuuskan Qabo laguma ciqaabin Gamogamo 1 iyo 2 ee waxa lagu ciqaabay tii u saraysay ee ahayd Gamogamo 3. Qabo inta makarafoon loo dhiibay ayaa wuxuu leeyahay; ‘ Waan qaldamay, Kulmiye waan ka maarmi waynay, Aanina Waris abaalkeeda ma gudi karo, wallaaladiin baanu nahay, Xassan ciise waa nin madax adag oo aan ujeedadiisa la aqoon, Xaqsoor ma jirto, waxa ugu xun inta reerkayaga ah ee wasiirada ah, waxa ugu wanaagsan inta reer boqorta ah ee wasiirada ah oo ay ka mid yihiin Maxamuud Xaashi iyo ina Raage (wasiirka ciyaaraha), Aamina Waris mar hadaan la joogo Wallee wax wayn baa is badalaya.
Amina, aqoonta aan u lee yahay, waa qof caqli badan, hubaalna waxa ah in ay garanayso in aanu Qabo Xaqsoor wakiil ka ahayn, waanay og-tahay in aanay jirin cid uu keenayo iyo cid uu wadaa toona, sidoo kale daah kama saarna shaksiyada sidan oo kale ahi in aanay Kulmiye wax tar aanu u lahayn.
Hadaba mar haday sidaas tahay maxaa arrinkan keenay? Aamini waxay nidar hore ugu gashay inay Gamagamayso ciddii madaxtooyada wax ka sheegta ama dhaliisha. Qabana ma ahayn kii u horeeyay iyo kii u dambeeyay toona. Waa la socotaan sida Cabdi fatax (safiirkii Ireland) isna loo Gamagameeyay. Hay’adaha xuquuqal insaanka waxan ka codsanaynaa in ay u doodaan dadkan madaxtooyadu bahdishay ee kolba fagaare lagaga maadsanayo.
Waxa xasuus mudan kala duwanaanshaha Gamagamaha Ethiopia iyo kan Aamina Waris. Gamagamah Itoobiya waxa u ahaa mid awood sheegasho ah oo qofka lagu khasbayay in uu is dhaliilo. Nasiib wanaag kan Aamina Waris waa mid folontari ah; dabinkaana waxa ku dhaca inta dalqada timaha ku leh ee ogol inay iska hor iyo daba yimaadaan. Inta aan ka xishoonayn inay dadka hortooda ka yidhaahdaan wax ka duwan wixii ay shalay lahaayeen. Waa inta ogol hadii waxoogaa doolar ah la siiyo in la fari karo in ay Hooyadood iyo Hooyadeedba soo caayaan.
Hadal iyo dhamaantii, Gamagamaha Aamina Waris uga baqi maayo inta iimaanku qanjaha joogo ee garanaysa ‘Iimaan Allaa Uur Buuxsha’. Waa inta ay u horeeyaan Xassan Ciise iyo Maxamed Xaashi, Eng. Cali Gurey Dal jirada dahsoon oo dhan.
Qalinkii Amiin Khadar
Dhamaad
Dhamaad