|

War saxaafaded Midowga Afrika ay kasoo saartay dhacdooyinki ugu danbeeyay ee Somalia.

Addis Ababa May 16, 2013(SDN)-Golaha nabadgalyada iyo aamanka ee taabacsan Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay dhacdooyinki ugu danbeeyay ee dalka Somalia laga hirgaliyay sida talaaboyinka lo qaday xal u helista qodobo ku qoran dastuurka Somalia iyo dadaalada ay xukuumada Somalia ku bixinayso xoojinta xiriirka ay la sameenayso maamul goboledyada wadanka ka jira.

War saxafaded ay kasoo saaren golaha magalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa ay ku soo dhaweyen dadaalada lagu dhisaayo ciidamada Somalia iyo sidoo kale wada hadaladii madaxweynaha Somalia Xasan Sheq Maxamud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland ku dhex maray magalada Ankara ee wadanka Turkiga.

Golaha ayaa soo jeediyay baaq ku aadan in cid walbo oo daneynesa arimaha Somalia ay taagerto natiijadii ka soo baxay shirki London.

War saxafadedka golaha nabad galyada iyo amanka ee midawga afrika ayaa waxa lagu amaanay dowrka ciidamada AMISOM ay ka cayaraan siyaasada gudaha wadanka Somalia.

Comments are closed