War Murtiyeed ka soo baxay Gunaanadka Shirkii Somaliland iyo Somalia iyo Qodobada ka soo uu Xambaarsanaa
Ankara 13.April (SDN) Xarunta Madaxtooyada ee Wadanka Turkiga oo uu ka socday Shirkii laba Geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia ayaa laga soo saaray War Murtiyeed Nuxurkiisu yahay Sii Xoojinta iyo sii Wadida Wada hadalada labada dal.
War Murtiyeedkan oo ay si rasmi ah u kala saxeexdeen Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed,
Qodobada War Murtiyeedku Xambaarsanaa ayaa u dhignaa
- In labada Wadan ay Sii wadaan wada hadaladii u socday
- Labada dhinac Waxay Ayideen qodobadii ka soo baxay shirarkii hore ee Ka dhacay Ingiriiska iyo Dubai .
- Waxaa kale oo labada dhinac Waa Somaliland iyo Somalia ay isku afgarteen Inay sii wadaan wada hadalada iyadoo beesha caalamkuna ay ka taageerayso Wixii Farsamo ah .
- Sidoo kale waxay labada Wefti ku heshiiyeen In la wadaago deeqaha Caalamiga ah ee Somalia Dunnidu u fidiso,Isla markaana ay Si Siman uga Faa’iidaystaan .
- In nabad-gelyadda labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ka wada shaqeeyaan.
- In muddo 90 maalmood gudahood ah lagu qabto kulan kale oo ay labada dal yeelan doonaan oo arrimaha kulankan lagu lafo-guri kari waayay lagaga hadlo, isla markaana lagu qabto magaalada Istanbuul.
- Weftiga labada Geesood Waxaa kale oo ay isla qaateen In la joojiyo hadalada Meel ka dhaca ah ee Wax yeelaya sii socodka Wada hadalada .
Kulankan ay labada Wasiir Qalinka ku duugeen War Murtiyeeedkan is faham ,Waxaa Goob Joog ka ahaa Raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Iyadoo Sidoo kalena ay ku Sugnaayeen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wufuudii ay kala hoggaaminayeen
Ankara SDN.
Qurbejoog.com