|

War Kasoo Baxay Hay’adaha Ammaanka Oo Shacabka Muqdisho U Diiday Inay Tagaan Goobaha La iskugu yimaaddo iyo Gaadiidkii Oo La Aamini La’yahay

Muqdisho:June,21,2014(SDN/QJ)-Mudane Qaasim Axmed Rooble o afhayeen u ah Hay’adaha Ammaanka Somalia, ayaa ku dhawaaqay hadallo keenay khalkhal iyo kala carar ku yimi shacabka reer Muqdisho.

faraxiAfhayeenka Qaasim ayaa sheegay inay Muqdisho soo galeen Gaadiid a wataan Kooxda Al-shabaab, kuwaas oo doonaya inay is qarxiyaan.

Gawaadhida uu Afhayeenku sheegay inay is qarxinayaan ayuu kala qaad-qaaday mid mid, waxana uu bixiyey mid walba xogtiisa oo dhamastiran.

Gaadhiga koowaad ayuu ku sheegay in uu yahay Minibas oo Taarikadiisu Tahay AB 945 Ninka wada gaadhigaas Magaciisa ayuu Afhayeenku ku sheegay Cabdi Ibraahim Raxmaan Axmed isagoo sii Raaciyay Taleefankiisa gacanta oo uu ku sheegay 061303154.

Gaadhiga labaad ayuu ku sheegay Tayota Noha ah Taarikadiisuna tahay AB 786 Gaadhiga Midabkiisa ayuu ku sheegay in uu qalin yahay Ninka wada ayuu ku sheegay Maxamed Nuur Muunye oo Somali ah isagoo Taleefankiisa Gacantana ku sheegay 0615597410

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeenku in uu jiro Qof kale oo is Qarxin raba oo uu Magaciisa ku sheegay Cabdi Risaaq Yuusuf Aadan Telkiisa Gacanta ayuu sheegay in uu sidan Yahay 0615088121sidoo kale 7 Ruux oo kale ayuu sheegay in ay isa soo Miidaamiyeen ayna doonayaan in ay is qarxinayaan.

Wax lala yaabo waxaa ah in Sirta ku saabsan falalkan laamaha amaanku Bulshada u shaaciyaan Dad badan ayaa Aaminsan in Ujeedku yahay in ay iska soo badalaan Calaamadaha lagu garanayo Ee ay ka mid yihiin Midabka Gaadhiga Taarikada iyo Numberada Taas oo keeni karta iyadoo Hay,adaha amnigu sidaa u Ogyihiin Falkaas in uu hadana dhaco.

Arrintan ayaa si mugleh habeenkii xalay uga abuurtay Magaalada Muqdisho warwar iyo kala carar ku yimaadda Bulshada Caadiga ah, waxana ay Dadku ka yaacayeen dhamaanba gaadhi kasta oo lagu arko asstaantii uu Afhayeenku sheegay.

Waa markii ugu horraysay ee Hay’adaha Ammaanku soo saaraan warbixin sidan oo kale u faahfaahinaysa Kooxo doonaya inay Falal is qarxin ah ka geystaan Muqdisho, waxase su’aashu tahay  sababta ay Hay’adaha Ammaanku nimankan u qaban la’yihiin Kooxdan ay sidan xogta uga hayaan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed