War Farxad Geliyey Umadda Reer Falastiin Oo Kasoo Baxay Dalka Faransiiska iyo Jawaabta Yuhuudda
Paris:Dec,03,2014(SDN/QJ)-Warar lagu baahiyey TV-ga Al jazira, ayaa sheegaya in Aqalka Baarlamaanka waddanka Faransiisku uu si kedis ah ugu codeeyey Dawladnimada waddan Falastiiniyiintu leeyihiin oo madax Bannaan.
Aqoonsiga Baarlamaanka Faransiisku aqoonsadeen xornimada Falastiin ayaa imanaya xilli ay sidan oo kale ugu dhawaaqeen Baarlamaanada dowladaha Yurub ugu magaca dheer ee kala ah Britain, Spain iyo Sweden.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuuda Benjamin Netanyahu ayaa tallaabada Baarlmaanka Faransiiska ku tilmaamey Qalad siyaasadeed aad u weyn oo Faransiisku ku dhaqaaqey.
Benjamin Netanyahu ayaa dhanka kale sida Al-Jazeera ay baahisay waxa uu xilka ka qaadey 4 wasiir oo xukuumadiisa ka mid ah oo ay ugu horeeyaan wasiiradda cadaaladda iyo wasiirka Maaliyadda, xilka qaadista ayaana lagu sheegay in uu ka dhashay khilaaf beryahanba ka dhex jiray xukuumada Benjamin Netanyahu.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com