|

War Degdeg:Ciidamo Tiro Badan Oo Dhooban Waddooyinka Ku Dhaw Baarlamaanka Somaliland Iyo Shacabka Oo Aan Loo Ogolayn Inay Halkaas Kasoo Dhawaadaan

Hargeysa:Nov,15,2014(SDN/QJ)-Saaka shacabka reer Hargeysa waxa ay kusoo tooseen Ciidamo indhahooda ku cusub, kuwaas oo Hawlgallo ka wada dhammaanba waddooyinka ku dhaw dhaw Xarunta Baarlamaanka somaliland oo Khilaaf xooggani ka taagan yahay.

jonMid kamid ah Hawlwadeenada Qurbejoog.com, ayaa saaka indhihiisa kusoo arkay Boqolaal ka tirsan ciidamada Booliska iyo Argagixiso la dirirka, kuwaas dhooban Goobaha Isgoysyada iyo Waddooyinka caadiga ah, waxana ciidankaasi ay baadhitaanno xoogan ku hayaan Gaadiidka dadweynaha iyo waliba shacaka caadiga ah oo aan loo ogolayn inay  adeegsadaan wadooyinka qaarkood.

Ciidamadan ayaa dadka caadiga ah ka celinaya inay wadooyinka Baarlamaanka xagga hore ka mara iyo midda Xagga cisbitaalka ka marta adeegsadaan, waxana dadka loo sheegayaa inay Goobahaas ka noqdaan.

Shacabka ayaa ka noqonaya dhammaanba waddooyinkan loo diidan yahay, waxana ay qaadanayaan dareen ah in xukuumaddu awood badan saartay xarunta Baarlamaanka oo saaka la doonayo in lagala wareego Guddoomiye Cirro oo muddo soo hoggaaminayey.

Dhinaca  kale waxa Qaybo kamid ah magaalada Hargeysa ka socda Abaabul  la xidhiidha sidii shacabku uga dareen celin lahaayeen Tallaabbada iyo dhaqdhaqaaqyada xukuumaddu ka waddo xarunta Baarlamaanka, waxana, waxana lagu wadaa in shacab badani saaka horyimaadaan Golaha wakiillada.

Shacabkan abaabulan ayaa la filayaa inay isku dhacaan Boqolaal Ciidan ah oo si xooggan u abaabulan, kuwaas oo qaba amar ah inaanay shacabku kasoo ag dhawaan xaruntaas, waxana shacabku sheegayaan inaanay arrintaasi u joojin doonin.

Madaxtooyada somaliland ayaa geed dheer iyo mid gaabanba ufuushan sidii  meesha looga saari lahaa Guddoomiyenimadda  Cirro, waxana ay u muuqataa inay xukuumaddu doonayso inay si awood ah uga takhalusto, maadaama ay kala quusatay tallaabooyin kale oo ay doonaysay inay si salmi ah meesha uga qaaddo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed