|

War Degdeg ah:Sarkaal Nabad-sugidda Somalia Ka Tirsanaa Oo Goor Dhaweyd Qarax Lagu Khaarajiyey

Muqdisho:Aug,22,2014(SDN/QJ)-Wararka ka soo baxay Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inĀ  goor dhaweyd Qarax Lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad-sugidda Somalia.

qareSarkaalkan ayaa la sheegay inay dhimashadiisa ka dambaysay qarax Loo dhigay Gaadhigii uu Watay.

Sarkaalka la dilay ayaa ahaa madaxii Ciidamada Nabadsugida Degmada Hiliwaa,waxaana lagu Magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Axmed C/rixmaan Ciise, iyadoo falkaasi qaraxa ahaa uu ka dhacay wadada SOS ee Degmada Hiliwaa.

Dadka deegaankaasi degan ayaa warbaahinta u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid wadada dhinaceeda la dhigay, islamaraana Sarkaalka uu qaraxaasi ku geeriyooday, iyadoo qaraxaasi ku dhaawacantay qof Haweeney ah.

Ma jirto ilaa iyo iminka cid loo qabtay qaraxaasi lagu khaarijiyay madaxii Ciidamada Nabadsugida Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, sidoo kale ilaa iyo hadda ma jirto cid falkaasi ka hadashay oo dhanka Dowladda ah.

Qaraxyada lagu laynayo saraakiisha dawladda Xasan Sheekh ayaa in muddo ah laga Nastay kadib Hawlgallo is daba joog ahaa oo ciidamadu fulinayeen, waxase kani muujinayaa inay jirtii Awoodii Al-shabaab ee Gudaha Magaalada Muqdisho.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed