War degdeg ah: Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya oo shaaciyay inuu is casilay, maxay tahay sababtu?
Muqdisho 24, May 2014 (SDN)- Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Mr. Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa caawa iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka hayay dawladdaas oo uu ka tirsanaa tan iyo dabayaaqadii 2012.
Wasiirka oo goor dhawayd warbaahinta kula hadlay Muqdisho, wuxuu ka hadlay weerarkii foosha xumaa ee maanta kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dhaliyay khasaare aan ilaa hadda xaddigiisa la ogayn.
Mr. Cabdikariim Xuseen Guuleed oo hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse xilka Wasiirka Amniga Qaranka loo dhiibay bishii January ee sanadkan, wuxuu sheegay inuu dadka Soomaaliyeed la socodsiinayo in dhacdadaasi ku keliftay inuu shaqada ka tago, wuxuuna u mahadceliyay shaqsiyaad maanta gacan wayn ka geystay in la xadido khasaaraha weerarka Al-Shabaab ku qaaday xarunta Baarlamanka.
Wasiirku wuxuu u mahadceliyay intii gacan ku siisay muddadii uu xilka hayay, wuxuuna xusay inuu xilka u baneeyay, si loogu dhiibo masuul kale oo Soomaali ah oo kaga haboon gudashada waajibaadkaas qaran ee uu hayay. “Waxaanan rejaynayaa in loo magacaabi doono qof kale oo ku haboon inuu xilkaas guto,” ayuu yidhi wasiirka oo wejigiisa naxdin laga dareemayay markuu hadlayay.
Waa masuulkii koowaad ee dawladda Federaalka Soomaaliya ka tirsan ee xilka iskaga casila, kadib fashilka dhinaca amniga ee soo waajahay dawladda Muqdisho.
Qurbejoog.com, Muqdisho