War Degdeg ah :Tog-Wajaale Laba Qof Oo Ku Geeriyooday Xadhkaha Leydhka iyo Rabshado Gadood ah oo ka dhashey
Tog-wajaale 15,march 2014 (SDN)-xadhkaha Leydhka ee Magaalada Tog-Wajaale ayaa, qudha ka jarey laba kamid ah Shacbiga ku nool Magaaladaasi, kadib markii ay qabsadeen Xadhkahaasi qaar kamid ah dadweynaha oo dhex lugeynayay Gudaha Magaalada xadhkahaas oo la Sheegay in ay soo daadiyeen Dabeylo ka dhacey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya dhinaca Somaliland.
Xadhkaha Leydhka ee Gudaha Magaalada Tog-Wajaale ayaa, sababey dhimashada laba qof oo kamid ah Dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Tog-Wajaale taas oo sababtey in ay Shaqaaqooyin ka abuurmeen Rabshada gadood ah oo ay ehelada dadka geeriyooday kaga gadoodeen Shilka xadhkaha Leydhkaasi.
Taliyaha Ciidanka Booliska Tog-Wajaale Muxumed Ibraahim Suldaan oo qaar ka mid ah warbaahintu kula Xidhiidhay khadka Isgaadhsiinta ayaa, isagu sheegay in aanay u suurata galeynin xiligan in uu waramo maadaama uu ku guda jiro Xiligan howsha baadhista Ciidanka Booliska, waxaanu ka cudurdaartey in uu dhacdada shilkan wax tafaasiil ah ka bixiyo.
Mar aanu isku daynay in aanu la Xidhiidhno Maamulaha Shirkada Telesom ee Tog-Wajaale Yuusuf Maxamed Xasan(Yuusuf-Cali), oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino dhacdada shilkan ee geerida labada qof maadaama, la sheegay in ay ku geeriyoodeen Xadhkaha Leydhka Shirkada Telesom ee Tog-Wajaale ayaaney, noo suurtaglin kadib markii uu qaban waayey telefoonkiisa gacanta haseyeeshee, qaar kamid ah Dadweynaha Reer Tog-Wajaale ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la taxaabay Yuusuf Cali xaalad ku sahabsan amaankisa awgeed
Ilaa iyo hada majiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya sida ay xiisada arintaasi ka dhalatey u dhacdey iyo halka ay mareyso.
Tog-wajaale,SDN.
Contact@Somalidiasporanews.com