|

War degdeg ah: Maxkamadda gobolka Hargeysa oo xukun ku riday Boqor Raabi

Hargeysa 20, March 2013 (SDN)- Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa goor dhawayd xukun ku riday Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ku eedaysnaa inuu tegay magaalada Muqdisho, kaasoo in muddo ahba ku xidhnaa xabsiga Hargeysa.

Garsooraha Maxkamadda gobolka Cusmaan Ibraahin wuxuu sheegay in laba sanno oo xadhig ah lagu xukumay, kadib markii lagu helay inuu ka qaybgalay shirar qaranimada Somaliland lagu waxyeelaynayo.

Boqor Raabi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa, waxa uu ka mid yahay madax-dhaqameedka sida aadka ah looga yaqaano Somaliland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Qareenka difaacaya ayaa xukunkaas naqdiyay, wuxuuna sheegay inuu yahay mid sharciga baalmarsan.

Muddooyinkii u dambeeyay, xukuumadda Somaliland waxay cagta saartay hab ay ku abaalmarinayso dadka u dhashay Somaliland ee u socdaala am aka soo laabta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo hay’addaha xuquuqal-insaankuna aad u naqdiyeen.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed