|

War degdeg ah: Guddoomiye kuxigeenkii KULMIYE ee xilka laga qaaday oo Cusbatal loola cararay

Hargeysa 15, April 2012 (Qurbejoog.com)- Guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Mr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa loola cararay cusbatal ku yaala caasimadda Hargeysa, ka dib markii maanta si xoog ah lagaga saaray shirweynihii golaha Dhexe ee xisbigaas, xilkana laga xayuubiyay.

Siday ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa xaalad caafimaad loo dhigay cusbatalka Edna ee magaalada Hargeysa. Ma cadda xaaladda caafimaad ee cusbatalka loo dhigay, balse wararku waxay sheegeen in xanuunkiisu la xidhiidho jugo ka soo gaadhay markii ay maanta askartu xooga kaga saarayeen hoolkii shirku ka socday, taasoo damaq ku keentay dhaawac hore dhabarka uga gaadhay.

Dhaawaca hore waxa uu ka soo gaadhay ka dib markii uu 2009 shil baabuur ku galay meel u dhaw madaarka Berbera xilli uu ka qaybgalayay soo-dhawaynta guddoomiyihii xisbiga oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland oo safar ka soo laabtay waqtigaas. Shilkaas oo uu marxuum Cali-Maarshaal oo madaxda xisbiga ka tirsanaa ku geeriyooday, waxa uu sababay dhaawac culus oo dhabarka ka gaadhay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ka dibna daawayn dibadeed loo qaaday.

Xil-ka-qaadista maanta lagu sameeyay, waxa lagu sababeeyay anshax-marin ku saabsan eedaymo uu Madaxweynaha iyo xukuumadda u jeediyay, taasoo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ku tilmaameen mid sharci-darro ahayd oo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ku jebiyay xeerka xisbigaas.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed