War degdeg ah: Dawladda Ingiriiska oo muwaadiniinteeda kula talisay inay si degdeg ah uga baxaan Somaliland iyo nuxurka khatar cusub oo ay tilmaantay
London 27, Jan. 2013 (SDN)- Dawladda Ingiriiska ayaa soosaartay digniin cusub oo ku saabsan in muwaadiniinteedu si degdeg ah u baxaan Somaliland, taasoo ah digniintii u horeysay ee nooceeda ah ee ay si gaar ah ugu tilmaanto.
Sida lagu sheegay wax-ka-bedel lagu sameeyay talobixinta Wasaaradda Khaarajiga UK ee la xidhiidha in muwaadiniinteedu u socdaalaan guud ahaan Soomaaliya, dawladda Britain waxay sheegtay inay jirto khatar la ogyahay oo gaar ah oo ka dhan ah muwaadiniinta dalalka reer Galbeedka ee ku sugan Somaliland.
War-saxaafadeed uu galabta soosaaray xafiiska Arrimaha Dibadda UK, waxa lagu sheegay in inkastoo ay jirtay digniinta in aanay muwaadiniinteedu u socdaalin Soomaaliya guud ahaan oo ay ku jirto Somaliland, haddana ay khasab tahay in muwaadiniinteeda ku sugani ay si degdeg ah uga baxaan Somaliland.
Warku wuxuu intaa ku daray, inay jirto khatar cusub oo ku wajahan dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan gudaha Somaliland, taasoo ay ka mid tahay; “Afduub lagu doonayo faa’iido dhaqaale ama siyaasadeed, ay keentay dambiilenimo ama Argagixisanimo,” ayay tidhi.
Laakiin, digniinteeda hore ay maanta wax-ka-bedelka ku samaysay, ayna ku faafisay boggeeda Internet-ka, waxay ku tidhi; “Waxaanu ognahay khatar gaar ah oo ku wajahan dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan Somaliland.”
Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo ay dawladda Britain ka tilmaantay khatartaas, sidoo kalena ma jirto wax hadal ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soosaartay, inkastoo ay weli xilli hore tahay.
Qurbejoog.com, London