WAR DEG DEGA:ilaalada madaxweynaha Jabuuti oo isku rasaaseeyay Garoonka Duyuuradaha iyo Khasaaraha ka dhashay
Jabuuti Aug 25,20149SDN/QJ)-ilaalada madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele ayaa manta xili uu madaxweynuhu ka degayay garoonka duyuuradaha Jabuuti isku rasaaseeyay gudaha Garoonka.
ilaalada madaxweyne Geelle ayaa la sheegay in rasaasta ay isweydaarsadeen ay sababtay dhaawaca saraakiil ka mida ilaalada madaxweynaha Jabuuti.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar ayaa xilga shaqaaqadu dhacday ka soo degay gegida duyuuradaha Jabuuti kiyoo yimi shirka madaxda IGAD.
ilo wareedyo ku sugnaa gegida duyuuradaha xiliga rasaasta la isweydaarsaday ayaa xaqiijiyay in sarkaal sareoo ka tirsa ilaalada madaxweye Geele oo magaciisa la yiraahdo Col Idris uu dhaawac culus soo gaaray.
Madaxweyne Geelle oo aan markaa ka soo deign Duyuuradii uu la socday Ayaan la hubin sida rasaasta la isweydaarsaday ay jewigiisa u saameysay.
ilaalada madaxweyne Geele ee Republican Guard ka loo yaqaano ayaa ah qaar si gaar ah ay madaxtooyada dalku noloshooda u kafaalo qaado.
Ilaalada madaxweyne Geele oo u badan qaraabadiisa ayaa markii u horeysay ay tahay isku dhacooda.
Waxaana la isla dhex marayaa in dagaalkan manta dhexmaray Republican Guards ku uu salka ku hayo gabaabsiga xukunka madaweyne Geele ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
SDN/QJ-Jabuuti
dr idris