|

WAR DEG DEGA: Dawlada Jabuuti oo xabsiga ka sii deysay culimo mudo u xirneyd

Jabuuti Aug 27,2014 (SDN/QJ)-Dawlada Jabuuti ayaa maanta xabsiga ka sii deysay culimo ay xabsiga dhigay sanad ka hot.

Dawlada Madaxweyne Geele ayaa culimada ku eedeysay in ay ka mid yihiin taageereyaasha dalada Mucaaridka Jabuuti ku midoobeen ee USN.

Culimada ayaa la qabqabtay ka dib Kolkii ay dhaliilo u jeediyeen hanaanka maamul ee dawlada Jabuuti.

Dalada Mucaaridka Jabuuti ayaa hore waxa ay shuruurd ugu xidhay in culimada la sii daayo inta aan wax wada hadal a lala gelin dawlada.

SDN / QJ-Jabuuti

contact@ qurbejoog.com

Comments are closed