War Deg Dega 120 Arday oo reer Somaliland oo gadhi kula Qalibmay gudaha Libiya iyaga oo Tahribaya dhamashadu waa 28 iyo Dhawac culus
Libiya Dec29 (SDN) waxa habeenkii caawa u shil baabuur ku qabsaday caasimda libiiya dhalinyaro reer somaliland oo tahribayaal oo u socday xeebaha si ay uga gudbaan qarada yurub dhalinyaradan oo u badnayd dhalintii ka qayb gashay goobjoogayasha kana qalinjabiyey jamacadaha somaliland ayaa waxa ay mudado ku jireen sidii ay u gadhi lahayeen xebaha libiya iyaga oo soo maray wadamda Itoobiya iyo sudaan ,sida aan wararka ku helayno shabakada qurbojoog ayaa waxa la xaqijiyey in dhamantood ay ka tageen casimada somaliland ee Hargaysa iyaga oo la xaqijiyey in 28 Arday ku geriyodeen oo Lix haween yihiin inta kalana ay tahay rag in dhawacuna aad u culus yahay lagu dawaynayo dhaqtar ku yala wadanka libiya casimadiisa , Magacyada iyo beelaha ay ka soo jedaan waxa aan idinku soo gudbin donaa sida ugu dhaqsaha badan iyada oo la shegay inay dhamaantood yihiin beelaha daga caasimada Hargaysa .
qurbojoog. libiya