|

War Deg Deg ah:Askar ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo duleedka Laascaanood lagu dilay+ Iyo Gacan ku dhiiglihii oo aan la hayn

Laascaanood 06.March 2015 (SDN/QJ)- Alle ha u naxariistee Hal  Askari oo ka Tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ku dhintay Mid kalena Wuu ku dhaawacmay Kadib markii Mid ka Mid ah Askarta Ciidanka Qaranka ee duleedka Magaalada Laascaanood uu Toogasho kula Kacay Goor dhawayd oo Caawa ah Isla markaana uu la baxsaday Gaadhi Qori Saaran yahay.

gaadhi-300x2242Sarkaal Sare oo ka Tirsan Ciidanka Qaranka oo naga dalbaday in aanan magaciisa sheegin ayaa Shabakada Qurbejoog.com u Xaqiijiyay in Askarigan falka Gaystay uu la baxsaday Gaadhi nooca qabaalada ah oo Qori Saaran yahay Inkasoo uu Gaadhigii kula qalibmay Meel dhinaca bari kaga beegan deegaanka Adhi- Cadays  oo ka mid ah Goobaha fadhiisimada ay ku leeyihiin Ciidanka Qaranku.

Wuxuu Sarkaalkan sare Xusay in damaca askarigan falka gaystay ay u qorshaysnayd sidii uu gaadhiga ula goosan lahaa ulana tegi lahaa dhanka Punt land,isagoo intaas raaciyay in lagu raad joogo soo qabashada gacan ku dhiiglaha oo ka cararay markuu gaadhigu ka qalibmay .

Sarkaalkani waxa uu sheegay in Askarigani uu Todoba Cisho ka hor ka soo laabtay dhinaca Caasimada hargaysa kadib markuu soo dhamaystay Fasax uu ku Maqnaa,Sarkaalkan oo aanu weydiinay halka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Gacan ku dhiigluhu ayuu ku sheegay inuu u dhashay Gobolka Gebilay Gaar ahaan Beesha Jibriil Abokor Waxaa kale oo uu intaas raaciyay in Askariga falkan ku dhintay iyo ka ku dhaawacmay oo Xaaladiisu Culus tahay ay iyana dhalasho ahaan ka soo jeedaan Beesha Habar Yoonis.

Ma aha Falkii 1aad ee noociisa ah ee ka dhaca Ciidamada qaranka ee  Gobolka Sool .

Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala soco Qurbejoog.com

Laascaanood SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Source Qurbejoog.com

Comments are closed