War Deg Deg ah: Wasiirkii Wershadaha oo Xilkii uu ka Hayay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Goor dhawayd iska Casilay DAAWO
Hargaysa 03.March 2015 (SDN/QJ)- Waxaa afar iyo labaatan saacadood gudahood iska casilay xukuumadda Madaxweyne Silaanyo mas’uulkii labaad.
Wasiirka warshadaha Somaliland Abiib diiriye nuur ayaa ku dhawaaqay maanta in uu iscasiladiisa u gudbiyay madaxweynaha .
Shalay ayaa waxaa isidoo kale casilay la taliyihii madaxweynaha somaliland ee dadka la hayb sooco Barkhad jaamac Xirsi.
Mr. Xirsi ayaa BBC-da u sheegay in kasta oo marar badan uu ballanqaaday madaxweyne Axmed siilaanyo in uu saamiga
xukuumaddiisa ee bulshada la hayb sooco uu wax ka qabanayo, haddan isku shaandheyntii ugu danbeysay ee todobaadkan iyo kuwii ka horeyayba ay ku hungoobeen.