|

War deg deg ah.Tageerayasha Ururka Xaqsoor oo Mudaaharaad ka dhan ah Madaxweyne Siilanyo ka Abaabulayaa Magaalada London ee dalka Britain.

london5 Feb13 (qurbejoog)Waxaa Magalada London ee dalka Britain kasocda  abaabul wayn  oo lagu samaynayo Mudaharaad lagaga hortagayo Madaxweyne Siilaanyo oo kusoo fool leh Magalada London ee dalkan Britain.Mudaharadkan oo ay qaban qaabinayaan kamid ah Tageerayasha ururka Xaqsoor  kuwaas oo Siilaanyo ku eedaynayaan inuu Caruurtoodii ka laayay si arxan daro ah waxaana sidaa nooxaqiijiyay Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xaqsoor Marwo Rooda Cusmaan Mustawi oo aanu khadka Telefonka  nagula soo xidhiidhney.Madaxweyne Siillanyo ayaana la hubin amaba lagaran Karin  Madaarka uu kasoo degayo iyo wakhtiga uu imaanayo hase ahaatee waxaa kaloo jira dhaq dhaqaaqyo kale oo imika xowli kusocda oo la sii sadex jibaaray taasoo lasamaynayo   sidii warqado dacwad ah looqorayo oo  Madaxda sare ee dalka Britain loogu sii gudbin lahaa iyo Hay’adaha Xuquuqul insaanka maadama Siilaanyo ayay yidhaahdeen Caruur yar oo maati ah laayay wax garowsho ahna uu kabixin

Dhanka kale waxaa isna barbar socda in Dacwooyin ay wadaan Jaaliyadda Beesha Ciise ee ku dhaqan Magaalada London taasoo iyaguna ay ku dacweeyeen Siilaanyo inuu dadkoodii Xasuuqay iyo in boobcad dhulkoodii kula dhaqaaqey madamada uu dad kale uu garab siiyay.

 

 

Comments are closed