War Deg deg ah: Suldaan Xassan Barre oo Xalay Daad kula Tegey Dooxa Dacar-budhuq.
Hargeysa:22-Aug-2013-(SDN)-Waxa habeenkii xalay Daad ku qaaday Suldaan xasan warasame shire oo ku magac dheeraa Suldaan Xasan-barre, iyadoon ilaa hadda la haynin Geeri iyo Nolol midnaba.
Suldaanka ayaa ka mid ahaa wafti ballaadhan oo uu Hogaaminayo wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland oo u sii ambabaxayey daminta shaqaaqo Laba beelood ku dhexmartay Gobolka Sanaag, iyadoo uu Daadku ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq oo ku yaalla.
Xilliga Suldaanka Daadku qaaday oo ku beeganayd Abbaaro 12:00 habeenimo, ayaan wali la haynin meydkiisii, waxana lagu hawlan yahay sidii loo heli lahaa.
Waftigii ayaa iyagu wali ku sugan magaalada Dacar-budhuq, waxana haatan raacdo loogu jiraa sidii loo heli lahaa maydka Suldaankaa.
Suldaa-barre ayaa ahaa suldaan caan ka ah Somaliland, waxana lagu yiqiinay inuu u guntado daminta iyo joojinta wax kasta oo halis ku ah nabadgelyada.
Badiba Gurmadkii ayaa socda, waxana lagu hawllan yahay sidii loo heli maydka suldaanka, iyadoo ay waftigii sii socday ee suldaanku ka mid ahaana wali sugayaan helitaanka maydkii suldaanka.
Somalidiasporanews.com