(WAR DEG DEG AH) Lix Sarkaal oo Ka Tirsan Xiriika Kubadda Cagta Aduunka ee FIFA oo Jeelka Loo Taxaabey Maxaayse Galabsadeen? By Jaahuur.
Zurich-May-27-2015-2015(SDN/QJ) Saaxiibayaa qubanaheena ciyaaraha waxaynu ula qaxaynaa xagaa iyo Zurich oo Saraakiil ka tirsan Fifa oo loo furdaamiyey Jeelka.
Haddaba lixda sarkaal oo ka tirsanaa xiriirka kubadda cagta ee adduunka ee FIFA ayaa lagu xiray Hoteel ku yaala magaalada Zurich ee dalka Switzerland.
Dadka laga shakisanyahay oo la sheegay in uu ku jiro madaxwayne ku xigeenka FIFA ayaa sugaya in loo masaafuriyo dalka Maraykanka.
Waxa lagu eedeeyay in ay ku lugleeyihiin wax isdabamarin ku kacaysa 100 milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Xubnaha FIFA ayaa isugu tagaya magaalada Zurich iyaga oo halkaas ku leh shirkoodii sanad laha ahaa oo dhacaya Jimcaha, halkaas oo ay ka dhacayso doorashada madaxwaynenimada FIFA.
Madaxwaynaha hadda xilka haya Sepp Blatter ayaana sharaxan oo doonaya in uu xilka qabto markii shanaad.
Sikastaba ha ahaatee macadam in uu Blatter ka mid yahay dadka la xiray.
Jeffrey Webb oo ah madaxa xiriirka kubadda cagta ee Waqooyiga iyo Bartamaha Ameerika iyo Caribbean-ka ayaa la sheegay in uu ka mid yahay saraakiisha la xiray sida uu sheegayo wariyaha BBC-da Richard Conway oo hadda ku sugan hoteelkaasi dadka lagu xiray ee Zurich.
Arrin kale ayaa soo baxday
dacwad oogayaasha Switzerland waxa ay bilaabeen baaritaan ku saabsan tartankii looogay qabashada koobka adduunka ee 2018 iyo 2022, kuwaas oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Qadar.
Qoraal ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland ayaa lagu sheegay in baadhitaankaasi la bilaabay.
Waxa ay sheegeen in macluumaad iyo dhokumantiyo laga helay arbacadii xafiiska ugu wayn FIFA ee ku yaala Zurich.
FIFA waxa ay sheegtay in ay sideedii ku sii socondoonto doorasahada Madaxwaynenimada oo horay loo qorsheeyay in ay dhacdo jimcaha.
Wararka soo kordhay hadda
Afhayeenka Fifa Walter Degregorio ayaa sheegay in Madaxweynaha Fifa Sepp Blatter aanu ku lug lahayn fadeexadan.
Waaxda cadaadalada ee dalka Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay in ay dacwad ku soo oogtay saraakil sare oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta ee dunida ee FIFA, waxaana lagu eedeynayaa laalush qaadasho iyo wax isbadamarin.
Wajiyada qaar ka mid ah saraakiisha FIFA ee lagu arkay magaalada Zirich iyaga oo lagu xiray, bidix waa Jeffrey Webb, waxaa ku sii xiga Eduardo Li, waxaa ku sii xiga Eugenio Figueredo, midigna waxaa u xiga Jose Maria Marin.
Afhayeenka FIFA, Gregorio waxa uu xaqiijiyay in sidii loo qorsheeyay ay u dhici doonaan koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022 kuwaas oo lagu kala qaban doono Qadar iyo Ruushka.
Xiriirka kubadda cagta ee FIFA waxa ay sheegeen in ay la shaqaynayaan xukuumadda Switzerland, ayna soo dhawaynayaan wax kasta oo xididada loogu saarayo khaladaadka ka dhexjira ciyaaraha.
W/Q Jaahuur
SDN/QJ