War Deg Deg ah: Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyey Xilligga Rasmiga ah ee ay Doorasho ku Qaban karaan
Hargeysa:April,21,2015(SDN/QJ)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka SOmaliland, ayaa haatan shir jaraa’id oo ay xaruntooda ku qabteen ku shaaciyey xilliga rasmiga ah ee ay ku qaban karaan doorashooyinka laga sugayo ee Madaxtooyada iyo Wakiillada.
Guddida doorashooyinka ayaa sheegay inay mari doonaan shuruucda iyo xeerarka doorashoooyinka u yaalla, isla-markaana ay wada tashi ay arrintaas kaga baaraan degayaan la qaateen madaxda Axsaabta iyo ciddii kale ee arrimahani khuseeyeen.
Guddoomiyaha Guddida Doorashoyinka Somaliland Eng. Cabdiqaadir oo akhriyey warsaxaafadeeda ay Guddidu soo saartay, ayaa sheegay inay cayimeen in doorasho dhacdo xilli ay farsamo ahaan diyaar yihiin, waxana uu hoosta ka xarriiqay in sharciyadda ay haystaan dhigayso in doorashada la qabto lix bilood kadib marka la gunaanado Hawsha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo wali aan dalka ka bilaabin.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay maalinta rasmiga ah ee ay ku talo galeen in doorashadaasi dhacdaa inay tahay 1-da Bisha lixaad ee sanadka 2016-ka, waxana uu tilmaamay in maalintaas tahay mid Komishan ahaan wax waliba ay diyaar u yihiin.
Komishanka Doorashooyinka, ayaa isla qoraalkan ay maanta saxaafadda u akhriyeen hor dhigay madaxweyanaha waxana ay ka codsadeen inuu maaintaas ku saaro Dekreeto.
Doorashooyinka, ayaa muddo sanad ah dib udhacay marka la eego maalinta la cayimay, waxana ay dalka qorshaysnaayeen 26-ka Bishan juune ee soo socota, balse taasi ma suurtogelin.
Wixii warar ah ee arrintan la xidhiidha kala soco wararkayaga dambe.
sdn/qj
timo@qurejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com