|

War Deg Deg ah: Kiiskii Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid oo la soo Gabo gabeeyay iyo Go’aano ka soo baxay

Hargaysa 03.May 2014 (SDN)- Maxkamada Gobolka Hargaysa ayaa Maanta Xukuno Dil iyo Xabsiyo kala duwan ku riday Denbiilayaashii loo haystay Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle .

Fadhigan Saaka ee Maxkamad oo Amaankeeda aad loo ilaalinayay ayaa Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargaysa waxa uu ku dhawaaqay Go’aamada ay Maxkamadu ku soo gabo gabaysay dhagaysiga dawcada dilkii marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Waxaanu Ku riday Dil Toogasho ah Haweenaydii Gacan ku dhiiglaha 1aad ahayd iyo Sadex ka mid ah Caruurteeda .

Sidoo kale Waxay Maxkamadu 10 Sanno oo Xadhig ah ku riday Gabadh yar oo aan Gaadhin da’dii Qaangaadhka.

Sidoo kale Nin Marin Habaabin ku sameeyay Kiiskan ayaa Maxkamadu ku riday Hal Sanno oo Xadhig ah .

Halka sidoo kale Xoriyadiisii maxkamadu u soo Celisay Sayga Qaba Haweenayda Gacan ku dhiiglaha 1aad.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidisaporanews.com

 

Comments are closed