Itaquerao Stadium ee Loogu Talagaley Furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka oo Afweynta Darsadey (Codsi Dadweyne Awgii)DAAWO) By Jaahhuur
Sao Paulo-Brazil-Nov-29-2013-(SDN) Saaxiibayaal qubanaheena ciyaaraha waxaynu ku bidhaamineynaa garoonkii weynaa ee loogu talagaley in lagu furow koobka kubadda cagta ee aduunka Brazil 2014-ka oo dumey kuna dhinteen 2-ba shaqaalihii ka mid ahaa.
Laba wiig ayaa ka hadhsaneysd in qorituurka loo sameeyo 32-dii dawladood ka qeybgali lahaa tartankan.
Haddaba garoonkan oo lagu magacaabo Itaquerao Stadium ayaa shirkaddii dhistey (Odebrechi) ayaa ku nuux-nuuxsatey inuu garoonkani diyaar ahaa Nov-tii sannadkii hore %94 percent.
Shirkadan ayaa Fifa ugu balan qaaddey iney ku wareegindoonta bisha January ee soo socota 2014.
Itaquerao Stadium ayaa loogu talagaley inuu qaado dadweyne cagacageynaya (70,000) oo qof lana furo June 13-da 2014.
Shaqaalihii ka shaqeynayey garoonka ayaa wakhti qado ku maqnaa marka uu dumey garoonku,laakiin labada ku dhintey oo ay magacyadoodu kala yihiin Fabio Luiz iyo Rolando Oliveria oo ku hadhay.
Madixii Fifa Sepp Blatter ayaa ka xumaadey masiibadan dhacdey una tacsidiyeeyey qoyskii aay ka baxeen labadaa shaqaalaha ahaa iyo reer Brazil oo dhan.
W/qorey Jaahuur
SDN