|

War Deg Deg ah: Heshiis laga gaadhay Xurguftii ka dhacday deegaanka God Heeli iyo 50 Xubnood oo la dhaariyay

Oog 26.Aug 2013 (SDN)- Munaasibad ballaadhan oo galabta lagu qabtay magaalada Oog ayaa si rasmiya loogu dhaariyey Konton Xubnood oo Waayeel iyo Waxgarad ah kana soo kala jeeda labadii beelood ee Shaqaaqadu ku Dhex martay Deegaankaasi .

dhaarinta Xubnahan waxa ka qayb galay wafdigii ka socday xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha,Xildhibaano ka Socda Golayaasha Guurtida,Wakiiladam,Siyaasiyiin,Madax dhaqameedyo ka soo Gurmaday dhamaan Gobolada Somaliland.

Waxa munaasibadaasi ka hadlay, Boqoro, salaadiin, Cuqaal, iyo aqoon yahano ka soo kala jeeda labada dhinac, oo sheegay sida ay ugu qanacsan yihiin halka ay hawshani marayso , iyadoo madashii kulankaasi lagu dhaariyay 50 xubnood oo lagu adkaynayo Nabad Waarta oo deegaankaasi ka dhacda si buuxdana loogu soo afjaro Shaqaaqada ka dhex dhacday labadaas beelood ee dhiiga iyo dhalashadaba wadaaga.

Oday Ismaaciil Saalax Cali iyo Oday Cawad bare oo ka soo kala jeeda labada beelood ee Shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka God Heeli waxaanay cadeeyeen inay qaateen nabad aan Shuruud iyo dabar ku xidhnayn isla markaana ay diyaar u yihiin sidii ay wixii dhacay u kala guran lahaayeen iyagoo isku calool san.

God Heeli2Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Mudane Maxamud Xaashi Cabdi iyo Wasiirul dawlaha wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa tilmaamay ahmiyada uu kulankani u leeyahay dhamaystirka Khilaafka Gacan ka hadalka ah ee Shaydaanku ka adeegay ee dhex maray labada beelood ee walaalaha ah.

Wasiiradani waxay ka warameen qiimaha ay nabadu u leedahay dalkeena iyo dadkiisa iyo sida ay Muhiimka u tahay in dhan looga soo wada jeedo cid kasta oo hagar daamaynaysa .

Waxa kale oo iyana halkaasi kahadlay Ergooyinka kale ee ka yimid gobolada Sool iyo Tog-dheer iyo Deegaamo kale oo soo dhoweeyeen go’aankan u adeegaya dhinaca nabada iyo sida ay labada beelood u qaateen nabadda aan shuruuda ku xidhnayn.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa ku tilmaamay labada dhinac ee xurguftu ku dhex martay Deegaanka God Heeli ay yihiin wiil iyo abtigii waxaanu soo dhaweeyay go’aanka lagu dhaariyay 50 Oday oo  ka turjumaya sida uu sheegay hab dhaqanka ay bulshadeenu ku soo caano maashay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland wuxuu u mahad celiyay dhammaan intii ka qayb gashay isu soo dhoweynta iyo tur-xaan saarka labada beelood, waxaanuu sheegay inay xukuumadda Somaliland ka go’an tahay sidii xal nabadeed oo waara looga dhex dhalin lahaa dhinacyadii ay mashaqadu ka dhex dhacday , isla markaana khilaaf kasta oo jiro lagu dhamayn doono dariiqa wadahadalka.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu Cadeeyay in cidii Jebisa Wacadkaas ay Xukuumadu gacan bir ah wax kaga qaban doonto.

Oog SDN.

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed