|

War Deg Deg ah Gudoomiye Ku xigeenkii 1aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo Xalay Hargaysa ku geeriyooday

Hargaysa 03.April (SDN) Alle ha u naxariistee Waxaa Habeenkii Xalay Ku Geeriyooday Cisbitaalka Edna Maternity Hospital ee Magaalada Hargaysa Gudoomiye ku xigeenkii Kowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Sh.Axmed Nuux Fure oo Mudooyinkii u danbeeyayba Xaalad Caafimaad daro ay la soo deristay.

Rabi ha u naxariistee Marxuun Sh.Axmed Sh,Nuux Fure waxa uu ka mid ahaa Hal doorkii aasaasay Golaha Guurtida oo taariikhdiisu ka soo bilaabanto Xiligii ay Ummada Somaliland ku jirtay Halgankii Hubaysnaa ee SNM iyadoo lagu aasaasay deegaanka Mado Weyn,isla markaana isu Xilsaaray Abaabulka Halgankii Hubaysnaa iyo inay kala Guraan beelaha Somaliland hadii ay dhexdooda ku dhacdo Xurgufaha iyo Wixii Khilaaf ah.

Marxuunku Waxa uu door lama Ilaawaan ah ka soo qaatay Nabadayntii,Hub ka dhigistii iyo Dhismaha Haykalka dawladeed ee Somaliland ka tisqaaday,Marxuun Sh.Axmed Sh.Nuux Fure waxa uu dhawr iyo labaatankii sanno ee u danbeeyay hayay Xilka Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Guurtida Waxaana Maanta barqada lagu aasayaa Maqaamka Aabihii Marxuun Sh.Nuux Fure oo ku yaal xaafada Goljano ee Magaaalada Hargaysa.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHUN RAAJICUUN.

Hargaysa SDN.

qurbejoog.com

Comments are closed