War Deg Deg ah: Gudoomiye Cirro oo Shacabka ugu Baaqay Inay u Hiiliyaan Golaha Wakiilada Maalinta Sabtida iyo Xukuumada oo Isbedelo hor leh qaaday +Maxay Wadaagaan Baarlamanka Somaliland iyo Somalia
Hargaysa 13.Nov 2014 (SDN/QJ)- Todobaad kadib markii uu furmi waayay Kalfadhigii Caadiga ahaa ee Golaha Wakiilada oo ku Mudaysnaa Sabtidii aynu soo dhaafnay kuna Tilmaameen Shirgudoonka Golaha Wakiiladu in la diyaarinayo Ajandihii Golaha Wakiilada oo Muran ka dhex aloosnaa ayaa waxaa soo baxaya Talaabooyin hor leh oo Xukuumadu u qaaday Sidii ay u fashilin lahayd damaca Mucaaridka isla markaana u Jiidhsiin lahayd Golaha Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyaha in loo raaco sida ay ku doodayaan Mudanayaasha Dawlada taageera.
Xukuumadu Waxay Maanta ka qaaday Xarunta Golaha Wakiilada dhamaan Ciidankii Ilaalada ahaa ee Hore ugu qornaa Kuwaas oo Sida Sharciga Goluhu dhigayo lagu keeno dalabka labada Gudoomiye ee Guurtida iyo Wakiilada maadama uu Hal kaanbool ka wada dhexeeyo waxaana Saaka la dhigay Ciidan Cusub oo awaamiirta ka qaadanaya Taliska Guud ee Ciidanka Booliska.
Geesta kale Waxay Xukuumadu la maagan tahay Golaha Wakiilada Somaliland, islamarkaana ku doonayso inay si jujuub Iyo Xoog ah Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somalilad ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro.
Weerarkan ay Xukuumada Siilaanyo Kula Wareegtay Golaha Baarlamanka Somaliland ayaa waxa uu ka dambeeyay Kulamo xidhiidh ah oo oo dhawrkii habeen ee u dambeeyay ka socday Aqalada Madaxtooyada iyo Aqalka Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, kulamadaas oo lagu go’aamiyay in maalinta Sabtida ah Weerar Xilka lagaga qaadayo Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Cirro, waxaaana Galabta oo Khamiis ah ay Xukuumadu bilawday diyaar garaw ay Maalinta Sabtida ah ay ugu talogashay inay kula wareegto Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, si ay u Cabudhiso islamarkaana ay Awood Ciidan Xilka kaga qaado Gudoomiyaha Golaha.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ku Sugan Magaalada Burco ayaa Waxa uu Goor dhawayd Shir jaraa’id ku qabtay Magaaladaas waxaanu Xukuumada ku eedeeyay inay dabada ka riixayso Khilaafka ka dhex taagan Aqalka uu hogaamiyo Waxaa kale oo Mudane Cirro uu baaq u diray Shacbiga Somaliland ee Jecel Horumarka iyo Hannaanka Dimuquraadiyadeed ee Somaliland oo uu ka dalbaday inay badbaadiyaan Golaha Wakiilada isuguna Soo baxaan Maalinta Sabtida Banaanbax Salmi ah oo ay ku Yimaadaan Xarunta Golaha Wakiilada.
Ilaa iyo Haatan Ma Muuqato Wax Waan Waan ah oo ka dhex Socda Golaha Wakiilada,Qadiyada ka taagan Aqalka Wakiilada Waa Mid Shabaha ka ka Socda Golaha Shacabka Somalia oo isku mari la’aa Maamuus ka Xayuubin lagu sameeyo Raysal Wasaaraha Somalia arrintaaas oo keentay inuu iyana hakad galo Habsami u socodkii fadhiyadooda.
Faahfaahinta Warkan kala Soco Qurbejoog.com