War deg deg ah: Gabadh ka mid ahayd Shaqalaha madaxtooyada oo ragg hubeeysani Goor dhawayd ay ku dileen Magalada Mugdisho
Muqdisho 10.March 2014 (SDN)- Dabley hubeysan ayaa maanta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku toogtay gabar kamid aheyd shaqaalaha Madaxtooyada villa Somalia oo lagu magacaabi jiray Xafsa C/nuur Max’ed.
C/nuur Max’ed oo ah aabaha dhalay Xafsa ayaa warhaainta u sheegay in dilku uu dhacay xili ay kasii baxeysay hooygeeda oo ku yaala Isla degmadaasi gaara ahaan nawaaxiga Suuqa weyn.
Waxa uu intaas kusii daray in ay baxsadeen ragii falkaas fuliyay oo uu sheegay in ay Bastoolado ku hubeysnayeen.
Aabaha oo la weydiiyay waxa ay shaqadeedu ahayd ayaa sheegay in ay kamid aheyd xisaabiyayaasha Madaxtooyada Somalia.
Ilaa hadda ma jiro war intaas dhaafsiisan oo laga hayaa dilkan oo aan ahayn mid ku cusub caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Dhinaca kale weerarkan ayaa dhacaya xili uu socdo Guluf balaadhan ooo lagu hayo Xaragga Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com